Hargeysa: Go’aamo ka soo baxay Kulan Madaxtooyada ku dhexmaray Axsaabta Siyaaadda iyo Komishanka Doorashooyinka

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa habeenimadii xalay kulan muhiima qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ku yeeshay madaxda axsaabta qaranka, xubno ka mida golaha Wasiirada iyo Komishanka doorashooyinka Qaranka.

Kulanka ayaa daba socday kulamo hore u dhex maray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, axsaabta qaranka iyo madax-dhaqameed ka socda gobolada Barriga oo uu ujeedkiisu ahaa in dib loo eego jedwalka diwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka oo hore ay u dejiyeen komishanka doorashooyinku, kana bilaabmay gobolada Galbeedka Somaliland, iyada oo la filayo in diiwaangelintu Maalinta Axadda ka bilaabmanto gobollada Bari ee dalka.

Madax-dhaqameedka gobollada Bariga ayaa xukuumadda, Axsaabta siyaasadda iyo Komishanka Qaranka u soo gudbiyey in wax laga beddelo jadwalka diiwaangelinta sababo la xidhiidha xaaladda abaarta ka taagan xilligan gobollada Bariga oo dadka reer Guuraaga ahi ay ka hayaameen deegaannadooda, una guuray deegaamada roobban.

Kulamadaas hore waxa lagu go’aamiyey in lagala tashado oo loo bandhigo komishanka doorashooyinka qaranka inay wixii suuragala ay dib u eegaan, waxana isla kulankaasi loogu yeedhay guddida doorashooyinka oo iyaguna cadeeyey in wakhtigu ku yar yahay, suurta galna aanay ahayn in ay mar kale dib u eegis ku sameeyaan wakhtiga diwaangelinta codbixiyeyaasha in dib loo dhigo, madaama wakhtigu is-riixayo.

Kulanka xalay ayaa markii uu soo dhammaaday waxa si wada jir ah warbaahinta ula hadlay Madaxda axsaabta qaranka iyo komishanka doorashooyinka qaranka oo sheegay inaanay xilligan suurta-gal ahayn wax ka beddel lagu sameeyo jadwalka diiwaangelinta codbixyeyaasha ee gobollada Bariga dalka loo asteeyey, kuwaas oo ay ugu baaqeen inay u diyaar garoobaan diwaan-gelinta oo la filayo inay bilowga toddobaadkan ka qabsoonto gobolladaas.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed ahna guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye oo ugu horeyn ka hadlay go’aamada ka soo baxay kulanka, ayaa sheegay in dhinacyadu isla qaateen inaan waxba laga beddelin jadwalka diiwaangelinta codbixiyeyaasha isla markaana doorashadu qabsoonto wakhtigii loo muddeeyey.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cadiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa isaguna dhinaciisa ka hadlay go’aamada kulanka ka soo baxay iyo sababaha kallifay wax-ka-beddelka Jadka diiwaangelinta ee loo gudbiyey guddiga Doorashooyinka.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax, ayaa dhankiisa faahfaahiyey arrimaha layskula qaatay iyo sida ay axsaabta Qaranka iyo Guddiga Doorashooyinka uga wada-hadleen codsiga wax-ka-beddelka jadwalka ee ay soo gudbiyeen Madax-dhaqameedka gobollada Bari.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdirashiid Riyo-raac oo ugu dembayntii halkaas ka hadlay, waxa uu sheegay in kaddib markii laysla eegay, axsaabta siyaaddana kala tashaday codsigaas ay go’aamiyeen inaan waxba laga beddelin Jadwalka wejiga 2aad ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo hore loo muddeeyey.

Muuqaalka waxaanu idiinku soo gudbinaynaa Hadallada ay madasha ka jeediyeen masuuliyiinta Axsaabta Qaranka iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net