Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay inuu 4-tii Sanno ee u Dambeeyay Ka Shaqaynayey Kala Furfuridda Shacabka Somaliland

President of Somalia

 

Muqdisho (SLpost)- Madaxweynihii hore Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Gal-Mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah Musharraxiinta u tartamaya Xilka Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya, ayaa ka hadlay dagaal siyaasadeed oo uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu ku hayo Somaliland.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka hadlayey kulan su’aalo lagu waydiiyey oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu Markhaati ka yahay dhibaatada Dawladdii Siyaad Barre gaadhsiisay Magaalada Hargeysa iyo Shacabkeeda, laakiin Dawladda Farmaajo ee xilligan aanay aaminsanayn in Shacabka Somaliland dhibaato gaadhay.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo sidoo kale soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Soomaaliya xilligii uu madaxweynahaa ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ka mid ahaa ergadii Soomaaliya u metelaysay bilowgii wada-hadallada Somaliland, waxa uu sheegay inuu muddo lix sanno ah deggenaa magaalada Hargeysa sagaashamaadkii xilligaas oo uu sheega inuu ka shaqaynayey hay’adaha Samafalka.

Cabdikariim Guuleed

“Markii iigu horraysay ee aan Hargeysa tagay waxay ahayd 1994-kii, waxaan u tagay Samo-fal, xilligaas iyo xilliyo la mid ah Qofkii aan Hargeysa tagin reer Somaliland uma garaabayo, Maalintaan Hargeysa tagay Hal Guri oo ka taagnaa ma jirin waxayna ahayd Burbur, baa’ba iyo Gudaafad, Cadow bannaanka ka soo weerarrayna sidaa kama dhigin Hargeysa ee waxa sidaa ka dhigay Ciidankii Qaranka, dabaabaadkii Qaranka, diyaaradihii Qarankaa sidaa ka dhigay, Qofka markaa aan garanayn Duruuftaas iyo Dadkaa waxa gaadhay uma garaabayo, ma fahmi karayo Xajmiyada Qadiyadda,” sidaas ayuu yidhi Cabdikariim Guuleed.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Anigu Maalintay sidaa u burbursanaydna waan joogay oo nin ka shaqaynayey oo muddadaa Dadka dareenkoodu siduu isku beddelayo og baan ahaa, waanan degay oo muddo 6 sano ayaan degganaa. Waxa kale oo aan ku faraxsanahay in geeddi-socodkii Wada-hadallada ee Soomaaliya iyo Somaliland Wasiirkii daadihinayey muddo laba sano ku dhaw inaan ahaa, xog-ogaalnimadaasi waxay i dhaxal-siisay in Qadiyadda Somaliland tahay Qadiyad la xallin karo, dhinaca kalena inay tahay Qadiyad aan u sahlanayn sida loo malaynayo, sidaasi darteed waxaan aaminsanahay inaan ahay Qadiyaddaa Ruuxii Xallin lahaa.”

Cabdikariin Xuseen Guuleed wuxuu sheegay in Farmaajo Wada-hadallo uu la yeesho Somaliland oo isku dhan uu ka door-biday inuu kala jajabiyo, waxaanu yidhi, “Wada-hadalladii aan hoggaaminayey marka loo eego Qadiyadda bucdigeeda waxaan aaminsanahay in guulo waaweyn laga gaadhay. Annagu markii aanu Wada-hadallada ku jirnay waxaanu ka imanaynay saddex Arrimood, Maamulka hadda jiraana saddexdaa Cagsigooda ayuu ku yimaaddaa, annagu waxaanu ku imanaynay in Dadka reer Somaliland yihiin Dad lagu Tacadiyey oo mudan in Tacadigaa looga garaabo, waxaanu ku imanaynay in Nabadda iyo Horumarka Somaliland masuuliyadi naga saaran tahay iyo Reer Somaliland oo Shacab iyo Maamul oo isku duuban aanu Wada-hadal la galno.”

“Laakiin Maamulka hadda jooga (ee Farmaajo) saddexdaa Cagsigooda ayuu ku yimaaddaa, marka koowaad wuxuu u dhaqmaa sida inaan lagu xad-gudbin reer Somaliland oo uma arko inay yihiin Dad dhib loo geystay, warkii uu sheegay Madaxweynuhu markii uu Addis Ababa ka yimidna waxaan u haystaa inuu yahay mid ku yimid culays meel kale ka yimid ee aanu hoosta ka imanin, waxa kale oo aan ognahay in Afartii sanadood ee u dambeeyay Somaliland cunaha lagu dhegay oo Nabaddoodii iyo Mashaariicdoodii horumarineed lagu soo rogay shuruudo iyo Cunaqabayn, waxaad mooddaa in Maamulkani ka door-biday Wada-hadallo Somaliland dhan ah inuu u kala furfuro Gobol-gobol iyo Qabiil-qabiil,” Sidaas ayuu yidhi Cabdikariim Guuleed.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net