Ethiopia Oo Sheegtay in Waddamada Gobolku Sii Ogaayeen Heshiiska Somaliland

Addis Ababa (SLpost)- La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia, Redwan Hussien, ayaa sheegay inay dalalka Gobolka Geeska Afrika sii ogaayeen heshiiska is-afgarad ee dhawaan dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia.

Heshiiska is-afgarad ee dhexmaray labada waddan, ayaa u oggolaanaya Dowladda Ethiopia inay xeebaha Somaliland ka hesho saldhig ay ciidamadeeda baddu ka hawl-galaan, kaas oo muddo 50 sanno ah laga kiraynayo, halka Somaliland beddelkeeda helay inay Xukuumadda Addis Ababa dowlad madax-banaan u aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida ay qortay jariiradda Addis Standard, Redwan Hussein waxa uu sheegay in kasta oo dowladdiisu rabitaanka dhul-badeed ay isticmaasho shaacisay bishii October ee Sannadkii hore, haddana ay dowlad ahaan qaadeen tallaabo arrintan kagala hadlayaan dalalka Gobolka.

Waxa uu sheegay inay Dowladda Ethiopia tiraba laba jeer Wufuud u kala direen waddamada deriska, gaar ahaan kuwa Bariga Afrika isla markaana lagu war-geliyey heshiiska marka laga yimaaddo Arrimo khusuusi ah oo ay ka mid yihiin Xilliga madaxweyne Muuse Biixi u socdaalayo Ethiopia iyo haddii Saamiga shirkadda Ethiopian Airlines iyo Aqoonsiga Somaliland ka mid noqon doonaan Qodobbada Heshiiska.