Dowladda Ethiopia oo soo saartay Sharci Cusub oo Saamaynaya Warbaahinta Kala Duwan ee dalkaas

 

Addis Ababa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka ee Ethiopia, ayaa ansixiyey qabyo-qoraalka Xeerka Saxaafadda oo wax ka beddel lagu sameeyey, kaddib markii lagu soo daray sharcigii u horeeyey ee loo sameeyo warbaahinta internetka ee ka hawl-gasha dalkaas.

Hindise-sharciyeedkan oo Golaha Wasiiradu ansixiyeen Jimcihii shalay, ayaa noqonaya wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyey xeerkii hore ee Warbaahinta dalkaas, iyadoo markii u horeysay lagu soo daray qaab-dhismeed sharci oo lagu hagi doono warbaahinta Internetka iyo Baraha Bulshada.

Waxa lagu sheegay in hindise sharciyeedkani si weyn u taageerayo ku dhaqanka xorriyatul-qawlka saxaafadda si loo xoojiyo xorriyadda hadalka iyo madax-bannaanida saxaafadda.

Sida aanu ka soo xigannay Wargeyska The Reporter oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa, Wax-ka-beddelka ugu badan ee lagu soo kordhiyey Xeerka saxaafadda, ayaa lagu sheegay inuu yahay qodob cusub oo sheegay inaan warbaahinta lagula xisaabtamin dacwadaha ay shakhqsiyaadka ama masuuliyiinta dowladdu ka gudbiyaan ee khuseeya sumcad dilista.

Warku waxa uu intaas ku daray in Sharcigan qabyada ahi u oggolaanayo Dadka ajaanibta inay maalgashi ku sameystaan hay’adaha warbaahinta Itoobiya isla markaana ay yeeshaan saami dhan 25 boqolkiiba, balse waxa uu meesha ka saarayaa lahaanshaha warbaahin ay leeyihiin muwaadiniin shisheeye. .

Sida ku xusan hindise-sharciyeedka, waxa dib boodhka looga tumi doonaa Hay’addii Ruqsad bixinta iyo sharciyeynta warbaahinta oo la odhan jiray Ethiopian Broadcasting Authority balse immika lagu magacaabi doono Ethiopian Media Authority. Sidoo kale, waxa uu sharcigani dhiirrigelinayaa in la aasaaso Guddiga xakamaynta anshaxa saxaafadda.

Sharciga cusub ee warbaahinta dalka Ethiopia, ayaa jidaynaya ruqsad-siinta iyo diiwaangelinta warbaahinta Online-ka ah.

“Sharciga hadda jira, kuma jiro qodob dhigaya diiwaangelinta iyo ruqsad-siinta degellada lagu faafiyo wararka qoraalka ah iyo Muuqaallada ee loo adeegsado intenetka, Sidaa awgeed, qabyo-qoraalkani wuxuu dhigayaa in warbaahinta noocaas ah la diiwaangeliyo oo ruqsad la siiyo,” sidaas waxa qoray Wargeyska The Reporter oo aanu warka ka soo xigannay.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net