Dowladda Ethiopia iyo Shirkadda DP World Oo Isla Qaatay Xoojinta Isticmaalka Dekedda Berbera

Addis Ababa (SLpost)- Guddoomiyaha iyo Maamulaha Guud ee Shirkadda DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem iyo Ra’iisal-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen ayaa isla qaatay qodobbo muhiim ah oo khuseeya isticmaalka dekedda Berbera.

Labada Masuul oo ku kulmay Shir-sannadeed dhaqaalaha Dunida ee World Economic Forum (WEF24) oo toddobaadkan ku qabsoomay Magaalada Davos ee dalka Switzerland, waxaanu guddoomiyaha shirkadd DP World u soo bandhigay Ethiopia sida ay shirkaddiisu u danaynayo wada-shaqaynta labada dhinac, sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia.

Shirkadda DP World iyo Dowladda Ethiopia waxa ay isla qaateen sida ay Dowladda Ethiopia kor u qaadi lahayd isticmaalka dekedda Berbera isla markaana ay ka go’an tahay sidii loo tayeyn lahaa adeegyada Dekedda oo Guddoomiyaha DP World ku tilmaamay oo marin halbowle u ah isku xidhka gobolka.

Warku waxa uu intaas ku daray in Iskaashiga u dhexeeya DP World iyo Ethiopia u gogol-xaadhayo koboc dhaqaale oo qayb laxaad leh ka qaadanaya horumarka Gobolka.