Xukuumadda Somaliland Oo Ganacsatada Taiwan U Bandhigtay Fursado Maalgeshi Oo Muhiim ah

Magaalada Taipei ee Caasimadda dalka Taiwan waxa maanta ku qabsoomay kulan ballaadhan oo dhexmaray Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland iyo Madaxda Ururka TABA oo ay ku mideysan yihiin Ganacsatada Taiwan iyo Kuwa qaaradda Afrika.

Weftiga Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa dalkaas, waxa uu la wadaagay madaxda TABA wadaagayaasha kala duwan ee mudnaanta u leh Somaliland si maalgeshi loogu sameeyo kuwaas oo ay ka mid yihiin dhinacyada Kalluunka, Xoolaha, Macdanta, Xabkaha iyo Faleenka, Tamarta Qorraxda iyo Dalxiiska.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ganacsiga ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in sidoo kale Weftiga Somaliland la wadaagay Ganacsatada reer Taiwan horumarka laga sameeyey dekedda Berbera, Gegida diyaaradaha Berbera, iyo marrinka dhaqaalaha ee Berbera oo diyaar u ah inuu isku xidho Afrika iyo dalka Taiwan.

Warku wuxuu intaas ku daray inay TABA dhankooda sheegeen inay kor-dhinayaan isla markaana kor u qaadayaan maalgeshiga ay shirkadaha dalka Taiwan ka wadaan Somaliland.

Shirkadaha dalka Taiwan ee xilligan maalgeshiga ka wada Somaliland waxa ka mid ah CPC Corporation, Central Sky International Trading Company, and Motor Cycle (Tricycle Co).

Ururka Taiwanese-African Business Association (TABA), ayaa loo aasaasay isku xidhka iyo Dhiirrigelinta ganacsatada Taiwan iyo Afrika, waxaanu ururku shirkadaha iyo ganacsatada dalkaas la wadaagaa xogo ku saabsan maalgeshiga kheyraadka dihin ee qaaradda Afrika.

Weftiga Somaliland ee ku sugan dalka Taiwan ee goob-joogga ka ahaa Kulanka, ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan, waxaana kulanka ku wehelinayay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Dr Maxamed Xaaji Maxamuud.

Kulanka Weftiga Somaliland iyo Madaxda Ururka TABA oo Ganacsatada Taiwan iyo Afrika

Socdaalka Weftiga Wasiirka Ganacsiga ee dalka Taiwan ayaa noqonaya weftigii labaad ee heer wasiir ah ee socdaal ku taga dalkaas tan iyo markii ay labada waddan bilaabeen xidhiidhkooda dublomaasiyeed dabayaaqada sannadkii 2020-kii xilligaas oo labada caasimadood ee Taipei iyo Hargeysa laga furmay Xafiisyo-dublomaasiyeed oo masuul ka noqda xidhiidhka labada waddan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa horaantii sannadkii 2022-kii socdaal meeqaamkiisu sarreeya ku tagay dalka Taiwan, waxaanu kulamo la qaatay madaxweynaha Taiwan, madaxda dowladda iyo Ganacsatada dalkaas oo uu u bandhigay Kheyraadka dihin ee Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net