Weftiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo ka soo amba-baxay Dalka Taiwan

Taipei (SLpost)- Weftiga Wasiirrada Somaliland ee uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa ka soo anba-baxay dalka Taiwan kaddib booqasho muddo Shan maalmood qaadatay oo ay kulamo kula qaateen masuuliyiinta ugu sarreysa dalkaas.

Weftiga Wasiirrada Somaliland oo ka koobnaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Horumarinta Maaliyadda, Xannaanada Xoolaha iyo Qorsheynta Qaranka, ayaa safarkooda shaqo ku gaadhay dalka Taiwan Salaasadii toddobadkii hore oo ku beegnayd 8-dii February, 2022-ka, waxaanu ujeeddada socdaalkoodu sii xoojinta xidhiidhka labada waddan.

Muddo Shan maalmood ah oo Weftigu ku sugnaa Caasimadda Taipei, waxa ay kulamo kala kuwan la qaateen madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, Wasiirka Arrimaha Dibadda Joseph Wu, Wasiirka Dhaqaalaha Wang Mei-hua iyo Wasiirka Beeraha Taiwan.

Weftiga Golaha Wasiirrada Somaliand ayaa sidoo kale la kulmay madaxda Sare ee shirkadda maal-gelinta iyo Shidaal-soo-saarista ee CPC oo maamul ahaan hoos-tagta dowladda Taiwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd, ayaa shir-jaraa’id oo uu shalay Jimcihii ku qabtay caasimadda Taipei kaga jawaabay hadal ka soo yeedhay dowladda Shiinaha oo cambaareysay socdaalka weftiga Somaliland ee Taiwan iyo xidhiidhka labada waddan.

Weftiga Wasiirrada Somaliland ayaa 7:00 PM ee wakhtiga Taiwan ka soo amba-baxay garoonka diyaarada ee Taipei oo ay ka soo raaceen diyaaradda Emirates oo duullimaad toos ah ku imanaysa magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net