Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Kormeeray Waxqabadka Mashruuc Laga Fuliyey Deegaanka Laalays Ee Gobolka Maroodi-jeex

Laalays (SLpost) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Wefti uu hoggaaminayey, ayaa Maanta gelinkii dambe Safar shaqo ku tagay Degmada Laalays-galbeed ee Gobolka Maroodi-jeex.

Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL iyo Weftiga uu hoggaaminayey, ayaa soo kormeeray Mashruuc muhiim ah oo ay halkaa ka fulisay Wasaaradda Beeraha oo kaashanaysa Dawladda Jarmalka.

Mashaariicda halkaa laga fuliyey ee uu Maanta soo kormeeray Wasiir Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa waxa ka mid ah Maahruuc wax lagaga qabanayo Carro-guurka iyo joojinta biyaha xawliga ku socda, si looga hor-tago inay Beeraha waxyeelo gaadhsiiyaan.

Mashruucaas ayaa waxay Wasaaraddu ka fulisay Dooxada Biji iyo degaannada ku teedsan, waxaana deegaannadaa laga hirgaliyey Barkado loo sameeyay dadka Beeralayda ah, biyo qabatino laga sameeyay goobaha biyo-mareenka ah, si loo hakiyo Ciidda, biyuhuna dhulka hoos ugu galaan.

Sidoo kale, waxa Mashruucaasi fuliyey Gabyano waaweyn oo loo sameeyay dooxyadu meelaha ay ka fidi karaan, si aanay u waxyeelayn Beeraha dalagyadu ku yaallaan iyo dhul beereedka banaan ama ay ku yaallaan beeraha khudraddu.