Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Geerida Madaxweynihii Dalka Iran Oo Shaki Ka Dhashay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa Ka hadashay Shilka diyaaradeed ee sababay geerida Madaxweynihii dalka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran Ebrahim Raisi, waxaanay dhambaal tacsi ah u dirtay dawladda iyo shacbiga dalkaas.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga ah Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa Dowladda iyo shacbiga dalka Iran ka tacsiyeeyay geerida Madaxweyne Ebrahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Hossein Amir-Abdollahian oo ku geeriyooday shil-diyaaradeed oo shalay gelinkii dambe ka dhacay Woqooyi-Galbeedka dalka Iran.

Wasiir Ciise Keyd oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa twitter-ka, wuxuu sheegay isagoo ku hadlaya magaca Xukuumadda Somaliland inuu tacsi tiiraanyo leh u dirayo shacbiga iyo xukuumadda Iiraan oo uu xusay inay la wadaagayaan murugada geerida lama-filaanka ee ku timi madaxweyne Ebrahim Raisi.

Wefti uu hoggaaminayey Madaxweynaha Iran oo ku safrayey saddex diyaaradood oo nooca qumaatiga ukaca ah ayaa ka soo laabtay Gobolka East Azerbaijan ee Woqooyi-Bariga Iran, halkaas oo madaxweynuhu kaga qayb-galay xadhig-ka-jarka biyo-xidheen laga hirgeliyey meel u dhow xuduudka u dhexeeya Iran iyo Azerbaijan halkaas oo ay dhiggiisa dalka Azerbaijan wada-jir xadhigga uga jareen biyo-xidheenka oo labada dowladood iska kaashadeen.

Diyaaraddii uu la socday madaxweynaha Iran ayaa mar kaliya la waayey, halka labadii diyaaradood ee kale si nabadgelyo ah u yimaaddeen caasimadda Tehran, waxaana ilaa xalay lagu gudo-jiray baadi-doonka burburka diyaaradda madaxweynaha, waxaana ka qayb-qaatay gurmad kala duwan oo ay direen dalalka Turkey iyo Russia.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa la xaqiijiyey inay shilka diyaaradeed ku dhinteen Madaxweyne Ibraahim Raisi, wasiirkiisii arrimaha dibadda Xuseen Amiir-Cabdollahian iyo mas’uuliyiin kale oo la socday.

Waxa jira tuhunno la isla dhexmarayo oo ka dhashay geerida madaxweynaha Iran, waxaana shacabka dalkaas qaarkood aaminsan yihiin inay shilkan ku leeyihiin waddamo reer Galbeed ah ama Sirdoonka dalka Israel. Halka shacabka Iran iyo warbaahinta reer Galbeedku ku sheegeen shilqool laga abaabulay gudaha Iran isla markaana uu ku lug leeyahay Wiil uu dhalay hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalkaas Ayyatullaahi Khumeini.

Haseyeeshee, waxa isla maanta la bilaabay baadhitaanno caalami ah oo ay ka qaadanayaan waddamada Ruushka iyo Turkiga, kuwaas oo lagu xaqiijinayo sababaha keenay shilka ku yimi diyaaradda madaxweynaha Iiraan

Madaxweyne Ibraahim Raisi oo 63 jir ah, ayaa loo doortay madaxweyne isku daygiisii labaad sanadkii 2021-ka. Waxaa loo arkayay wadaad mayal adag oo beddeli kara booska Ayatollah Khamenei oo ah hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Iran.

Sannadkii 2019-ka ayuu Hoggaamiyaha Sare ee dalkaasi marxuumka u magacaabay jagada ugu awoodda badan ee dhinaca garsoorka. Marxuum Raiisi ayaa sidoo kale noqday guddoomiye ku xigeenka Golaha Khubarada dalkaas oo ka kooban 88 xubnood oo u xilsaaran doorashada hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iran.

Warbaahinta Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net