Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo laga helay Xannuunka Covid-19

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa laga helay Caabuqa Coronavirus, kaddib markii labadoodaba baadhitaan lagu sameeyey.

Md Cabdiraxmaan Saylici ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter ku xaqiijiyey jiritaanka warkan, waxaanu sheegay inuu saddexdii maalmood ee u dambeeyey la tacaalayey xannuunka Covid-19, waxaanu bulshada uga digay halista xannuunka iyo fiditaankiisa.

Md Cabdiraxmaan Saylici waxa uu shacabka ugu baaqay inay u hoggaansamaan tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka, waxaanu bulshada ka dalbaday inay u soo duceeyaan isaga iyo dadka kale la tacaalaya xannuunka Covid-19.

Advertisement

“Waxaan shacbiga Somaliland la socodsiinayaa in aan la tacaalayay saddexdii cisho ee u danbeysay Xanuunka COVID-19, bulshada waxaan ku boorrinayaa in ay raacaan tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka, aniga iyo inta xanuusanna noo soo duceeyaan,” sidaas ayuu Md Saylici ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

 

Dhinaca kale,  Warar ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya in xannuunka Covid-19 laga helay Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, in kasta oo aanay ilaa hadda jirin cid si too sah u xaqiijisay oo jiritaanka warkan ka hadashay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu guddoomiye u yahay Guddi heer Qaran oo madaxweyne Muuse Biixi u xil-saaray ka-hortagga iyo xakamaynta Cudurka Covid-19 oo xilligan faro-baas ku haya dunida, gaar ahaanna Somaliland oo tirada kiisaska la xaqiijiyey iyo Dadka u geeriyoodayba kor u kaceen muddooyinkii u dambeeyey.

Guddiga heer qaran ee ka-hortagga Xannuunka Covid-19 ayaa lagu dhaliilay inay ka gaabiyeen doorkii looga baahnaa inay uga hawl-galaan xakamaynta iyo wacyi-gelinta bulshada ee xannuunka Covid-19, iyagoo guddigu ay gacanka ku dhigeen malaayiin Dollar oo ku dhacay Sanduuq gaar ah oo loo sameeyey xakamaynta Covid-19.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa xaqiijisay in xannuunka Covid-19 uu si baahsan uga jiro dalka marka loo eego xaaladaha cusub ee kiisaska oo soo kordhaya iyo tirada dadka u dhimanaya cudurka oo kor u kacday.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Follow us On