Dowladda Ingiriiska oo Agab Caafimaad ugu Deeqday Somaliland iyo Kiisaska Covid-19 oo kordhay

 

Hargeysa (SLpost)- Xafiiska Dowladda Ingiriiska ee magaalada Hargeysa, ayaa agab caafimaad kala duwan oo ay ku jiraan qaar loogu talo-galay ka hortagga xannuunka Covid-19 ku wareejiyey Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland.

Munaasibad loo qabtay la wareegista agabka caafimaad oo ku qabsoonay xarunta Wasaaradda Horumarinta caafimaadka, waxa Qalabka oo uu ka mid ahaa daawooyin uu u baahan yahay mishiinka lagu baadho caabuqa Corona-virus la wareegay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo halkaas ka hadlay, waxa uu sheegay in xafiiska dowladda Ingiriisku wasaaradda caafimaadka kala shaqeeyo xakamaynta xaaladda Covid 19, waxaanu sheegay in deeqo kale oo la xidhiidha qalabka xakamaynta xannuunkaas ay xafiiskaasi dawlada Ingiriisku dhawaan soo gaadhsiin doonaan wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye wuxuu kormeer ku tagay cisbitaalka Daryeel oo wasaaradda caafimaadku ugu talo gashay in lagula tacaalo dadka uu soo rito xannuunka Corona-virus.

Masuuliyiinta cisbitaalkaas ayaa sheegay in ay hadda cisbitaalkaas jiifaan 10 qof, oo uu haleelay xannuunkaasi, waxaanayu intaas ku dareen in dadka cisbitaalka loo keenay xannuunka Covid-19 ay soo kordhayaan muddooyinkii u dambeeyey.