Somaliland: Korodhka Kiisaska Covid-19, Kurbada Shacabka iyo Kama’ la’aanta Guddigii loo magacaabay

 

Hargeysa (SLpost)- Cudurkii Covid-19 ayaa si ba’an u xulay gobollada Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo ay soo badanayaan tirada dadka uu xanuunku ku dhacay iyo kuwa u dhintayba oo siday sheegtay wasaaradda horumarinta Caafimaadku maanta oo kaliya fayraskaa laga helay 67 qof.

Ilaa hadda ma jirto wacyigalin iyo go’aamo kasoo baxay guddidii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u igmaday la tacaallida Caabuqa kaasi oo dadweynaha uga digaya siyaabaha cudurkani u faafo iyo sida la iskaga ilaalin karo.

Suuqyada, xafiisyada iyo xarumaha ganacsi waxa lagu arkayaa dadkii oo is dhex qaadaya ama goob ku urursan iyada oo aanay gashaneyn af xidh.

Dhinaca kale Waxa kale jirta dad maalin walba dalka soo gala oo ka yimaadda Soomaaliya oo fayrasku ku badan yahay iyo dalaka Yurub gaar ahaan Ingiriiska.

Munaasibaddaha ay qabasanayaa Musharaxiinta ee kulminaysa kumanaanka ruux ayaa qayb ka ah faafinta xawliga ah ee Cudurka COVID-19.

Guddida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u igmaday la tacaalidda iyo xakamaynta Cudurka waxa ay shacabka uga fadhiyaan in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu badbaadinaayo bulshada ay iskugu biireen biyo yaraanta iyo Cudurka dilaag ah ee COVID-19.

Xigasho: Dawacan