Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo shaaciyey Liiska Rasmiga ah ee Xubnaha Golaha Dhexe oo la Xaqiijiyey

Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye

 

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa maanta baahiyey Liiska rasmiga ah ee Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ka soo baxay Shirweynihii 4aad ee Xisbiga, kadib markii hubin iyo xaqiijin lagu sameeyey liis hore loo baahiyey 10-kii bishan October 2020-ka.

Liiskan oo ka kooban xubnaha Golaha Dhexe ee ka yimaadda Gobollada dalka, Maayarrada iyo xildhibaannada xilka iyo Doorashada kaga mid noqday Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxa rasmi ahaan u saxeexay Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere).

Advertisement

Liiska hore loo baahiyey ee sixitaanka lagu sameeyey ayaa ka koobnaa 8 Xubnood oo Hoggaanka sare ee xisbiga ah, 239 xubnood oo gobollada ka soo galay iyo 54 xildhibaan, kuwaas oo wadarta tiradoodu ahayd 301 xubnood.

Haseyeeshee, Sixitaanka lagu sameeyey ee ku soo baxay liiska cusub ee xubnaha Golaha Dhexe ayaa ka kooban 6 Xubnood oo hoggaanka sare ee Xisbiga ah, 239 xubnood oo gobollada ka yimi, 5 Maayar iyo 48 Xildhibaan, kuwaas oo wadarta tiradoodu isku noqonaysa 298 Xubnood oo noqonaya tirada rasmiga ah ee Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Sida ku xusan lifaaqa u dambeeya, waxa liiska ka maqan 7 xubnood oo loo banneeyey Guddoomiyeyaasha Gobollada ee xisbiga, kuwaas oo la sheegay in lagu dari doono marka la soo dhammeystiro. Sidoo kale, waxa ay laba xubnood ka maqan xubnaha ka imanaya gobollada dalka.

Hadda, Shaxda hoose kaga bogo Liiska rasmiga ah ee Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee maanta la shaaciyey

Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye

Shirka 7aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa la filayaa inuu magaalada Hargeysa ka furmo maalinta Arbacada ah ee Todobaadkan oo ku beegan 28-ka bishan October, sida uu hore u shaaciyey Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On