Liiska Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo la Shaaciyey iyo Tirada lagu kordhiyey (Akhriso)

 

Hargeysa (SLpost)- Liiska Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee rasmiga ah ee lagu ansixiyey shirweynihii 4aad oo magaalada Hargeysa ku qabsoomay intii u dhaxaysay 4-tii ilaa 6-dii bishan October, ayaa la shaaciyey maanta oo taariikhdu tahay 10-ka October 2020-ka.

Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta Xisbiga Kulmiye, liiskan oo ay si wadajir ah u xaqiijiyeen hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo shirguddoonkii shirweynaha 4aad ee xisbigu, waxa tiradiisu dhan tahay 239 xubnood oo ka mid ah ergooyinkii ka imanayey gobollada iyo 54 xildhibaan, waxase jira xildhibaano aanay magacyadoodu halkan ku jirin oo lagu soo dari doono, kuwaas oo mar hore si toos ah uga mid ahaa Golaha Dhexe, iyadoo lagu dari doono Maayarrada degmooyinka dalka ee Xisbiga KULMIYE, Guddoomiyayaasha xisbiga ee Gobollada iyo laba xubnood oo ergada gobollada ka maqan oo lambarradoodu kala yihiin 49 iyo 50 ee liiska Golaha dhexe ee la faafiyey.

Liiskan Golaha Dhexe oo uu saxeexay Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen, xagga hoose kaga bogo magacyadooda oo qaar ka mid ah sixitaan lagu sameeyey.

FIIRO GAAR AH: Lambarka 175-aad ee uu ku qoran yahay Idiris Aadan Raage, waxa uu sax ku yahay Xildhibaan Axmed-yaasin Sheekh Cali Ayaanle, halka lambarka 80-aad ee uu ku qoran yahay Eng. Saleebaan Cabdillaahi Maxamed uu sax ku yahay Eng. Xuseen Sh. Aadan Cabdi.

Waxa Xusid mudan, in tirada Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye lagu kordhiyey in ka badan 50 Xubnood marka eego tiradii Xubnaha Golaha dhexe ee lagu ansixiyey Shirweynihii 3aad ee Xisbiga oo Hargeysa ku qabsoomay bishii April sannadkii 2014-kii.

Iyadoo maalin kaddib maalintii la soo gebo-gabeeyey shirweynihii 3aad ee Kulmiye oo ahayd 30-kii April, 2014, ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu 29-kii bishii May 2014 soo saaray liiska xubnaha Golaha Dhexe oo tiradoodu dhammayd 244 xubnood.

 

 

 

Somalilandpost.net

Contact@somalilanpost.net