Hargeysa: Xeer-ilaalinta oo ku Gacan-saydhay Xukun lagu riday Dhalinyaro Kufsiga Gabadh 13-jir ah ku eedaysnaa

 

Hargeysa (SLpost)- Xeer-ilaaliyaha gobolka Maroodi-jeex, ahna Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee Somaliland Mawliid Cabdi Muuse, ayaa duray xukun ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex maanta ku ridday 7 dhalinyaro Rag ah oo ku eedaysnaa inay Kufsi u geysteen Gabadh 13 jir ah oo ay ku wada jireen xarunta Agoomaha ee Hargeysa.

Toddobada Wiil ee u xidhnaa kufsiga ay kula kaceen gabadha ay ku wada-jireen xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa, taas oo Dhakhaatiir caafimaad caddeeyeen inaanay maskax ahaan caafimaad-qabin, ayey laba ka mid ah Maxkamaddu ku xukuntay shan sano oo xabsi ah, halka shanta kale ay ku xukuntay wax ay ugu yeedhay lix bilood oo dibed-joog ah.

Advertisement

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Xeer-ilaalinta gobolka Maroodi-jeex, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xukunka Maxkamadda, isla markaana sheegay inay Xeer-ilaalin ahaan isla maantaba racfaan ka qaateen xukunka Maxkamadda oo uu xusay inaanu ahayn mid ka turjumi kara kiiska ciqaabta ah ee ay Cawo-yar oo ah gabadh aan xiskeedu dhammayn u geysteen.

Warkan oo faahfaahsan iyo hadalka Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodijeex kaga bogo Muuqaalka Hoose

 

Follow us On