Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo beeniyey inuu Khilaaf soo kala Dhexgalay iyo Musuq-maasuq lagu eedeyey

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay daabaceen warbaahinta dalka qaarkeed, kuwaas oo lagu sheegay inuu khilaaf soo kala dhex-galay xubnaha Guddiga.

Sidoo kale Guddigu waxa ay beeniyeen inay nidaam sharci-darro ah ku bixiyeen qandaraaska Timirta Ciidanka Qaranka ee bisha Ramadaan oo guddigu daah-fureen 10-kii March, 2020-ka, isla markaana ka qayb-qaateen dhowr shirkadood oo u tartamay fulinta mashruuca.

Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskooda, waxa ay sheegeen inaanu jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex-galay Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ka kooban Sagaal xubnood oo leh Guddoomiy iyo guddoomiye-ku-xigeen, kuwaas oo lagu soo magacaabo digreeto madaxweyne.

Waxa ay shirkooda jaraa’id ku caddeeyeen in hannaan caddaalad iyo sinnaan ah loogu tartamay Qandaraaska Timirta Ciidanka Qaranka oo dhawaan la shaaciyey shirkadda ku guulaystay 12-kii bishan March, taas oo wararka warbaahinta qortay lagu sheegay in qaabka qaraabo-kiil ah loo siiyey fulinta Mashruucan, taas oo guddigu ku tilmaamay been-abuur laga sameeyey.

Xubnaha Guddiga Qandaraasyada oo si wada-jir ah ula hadlay saxaafadda, ayaa si qoto-dheer uga hadlay labadan qodob ee lagu eedeeyey oo ay dedafeeyeen.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net