Guddiga Qandaraasyada oo Shaaciyey Shirkadda ku Guulaysatay Mashruuca Timirta Ciidanka Qaranka

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey shirkadda ku guulaysatay Mashruuc loo tartamayey oo Timir loogu keenayo Ciidanka Qaranka.

Qandaraaska Mashruucan oo Guddigu daah-fureen Salaasadii Todobaadkan waxa tartankiisa ka qayb-qaatay Sagaal shirkadood oo waddani ah oo dhammaantood goob-joog ka ahaa kulanka todobaadkan lagu daah-furay xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka, iyadoo waliba lagu soo kordhiyey nidaam cusub oo guddigu ku tartansiinayaan shirkadaha.

Kulan maanta ku qabsoomay xarunta Guddiga oo lagu shaaciyey magaca shirkadda ku guulaysatay, waxa goob-joog ka ahaa saraakiisha Guddiga qandaraasyada Qaranka, masuuliyiin ka socday wasaaradda Gaashaan-dhigga iyo xubno metelayey shirkadaha tartanka ka qayb-qaatay.

Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo faahfaahin ka bixiyey qaabka ay u kala saareen shirkadaha, magacaba shirkadda ku guulaystay tartanka, xaddiga lacagta ah iyo muddada ay shirkaddu ku keeni doonto Timirta oo loogu talo-galay inay Ciidanka Qaranku ku soomaan bisha Barakaysan ee Ramadaan oo muddo 40 Maalmood ku dhow ka hadhsan tahay.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net