Guddiga Qandaraasyada oo Daah-furay Mashruuc Timir loogu keenayo Ciidanka Qaranka iyo Nidaam Cusub oo Shirkadaha loo tartansiinayo

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandraasyada Qaranka, ayaa maanta daah-furay mashruuc Timir loogu keenayo Ciidanka Qaranka JSL, kaas oo tartankiisa ay ka qayb-qaateen 9 shirkadood goob-joog ka ahaa kulanka maanta lagu tartansiiyey.

Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada oo qandaraaska mashruucan lagu furay, waxa goob-joog ka ahaa Masuuliyiinta Guddiga Qandaraasyada, Xubno ka socday Shirkadaha tartanka Mashruucan oo hore loo naadiyey ka qayb-galaya iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda Gaashaan-dhigga.

Ka-sokow furitaanka Qandaraaska ay shirkaduhu u tartamayaan ee la daah-furay, waxa ay Guddiga Qandaraasyadu halkaas ku soo bandhigeen nidaam Cusub oo ka duwan qaabkii ay markii hore shirkaduhu kaga qayb-gali jireen tartanka mashaariicda kala duwan ee Guddiga Qandaraasyadu u soo bandhigto bulshada.

Guddiga Qandaraasyada ayaa la filayaa inay si rasmi ah u shaaciyeen shirkadda ku guulaysata mashruucan kaddib marka la kala saaro 9-ka shirkadood ee ka qayb-qaatay tartanka mashruucan.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo sharraxaad ka bixiyey qaabka ay u kala saaraayaan shirkadaha, isagoo ballan-qaaday inay guddi ahaan si caddaalad ah u soo xuli doonaan shirkadda ku guulaysata fulinta mashruucan.

Faahfaahinta Warkan kaga Bogo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net