Golaha Wakiillada oo Dhabbaha u xaadhay Qabsoomidda Doorashada Ururrada Siyaasadda

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod Aqlabiyad ah ku ansixiyey saddex xubnood oo kamid ah guddida diiwaan-galinta ururrada siyaasadda.

Saddexdan xubnood ee maanta la ansixiyay oo hore u waayay kalsoonida xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka mid ahaa todobada xubnood ee guddida diiwaan-galinta ururrada oo Golaha la horgeeyey 23-kii May 2022, kuwaas oo Afar ka mid ah Goluhu Ansixiyey.

Xubnaha la ansixiyey oo madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Golaha Wakiillada, ayaa kala ah Siciid Maxamed Cilmi, Mukhtaar Cabdi Jaamac iyo Maxamuud Axmed Obsiiye, waxaanay fadhigii maanta cod aqlabiyad ah ka heleen Golaha Wakiillada oo fadhiga maanta ay ka soo xaadireen tiro ka yar 60 mudane oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee Golahaasi ka kooban yahay.

Ansixinta Sadaxdan xubnood, ayaa ka dhigan inay sidaasi ku dhamaystiran yihiin guddida diiwaan-galinta ururada iyo asxaabta Somaliland, waxaanay dhabbaha u jeediyey qabsoomidda doorashada Ururrada Siyaasadda oo la filayo inay dhacdo ka-hor doorashada madaxtooyada oo ku muddeysan badhtamaha bisha November ee sannadkan.

Afarta xubnood ee hore loo Ansixiyey, waxa 25 bishii May 2022 madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo sidoo kale laga filayo inuu madaxweynaha hortiisa ku dhaariyo saddexda xubnood ee maanta la ansixiyey

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net