Golaha Guurtida Somaliland oo Dood ka yeeshay Go’aan ka gaadhista Muddada Doorashada loo cayimay

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida ee Somaliland, ayaa maanta isugu yimi fadhi aan caadi ahayn, kaddib markii Guddoomiyaha Golahaasi mudaneyaasha oo fasax ku jira ku war-geliyey inay isugu yimaaddaan si laysu waafajiyo wakhtiga loo muddeeyey Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo isku-sidkan.

Fadhiga Golaha Guurtida oo daba-socda warqad uu madaxweynaha Somaliland u gudbiyey, waxa ay mudaneyaashu kaga doodeen go’aan ka gaadhista xilliga doorashooyinka loo muddeeyey.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Guurtida Somaliland Md Siciid Cali Jaamac, ayaa Golaha ka hor akhriyey Warqadda uga timi madaxweyne Muuse Biixi oo sheegaysa in xukuumaddu dhammaystirtay dhammaan baahiyaadkii ku xidhnaa qabsoomidda doorashooyinka, sidaas awgeed Golaha Guurtida looga baahan yahay go’aan ka gaadhista xilliga doorashadu qabsoomayso.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa 16-kii January 2021-ka madaxweynaha u gudbiyey xilli kama-dambaysta ee ay u qorsheeyeen qabsoomidda doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo ku beegan 31-ka bisha May sannadkan 2021-ka.

Haseyeeshee, Go’aanka muddeynta doorashada ee Komishanka oo ay soo dhaweeyeen Axsaabta Siyaasadda, waxa caqabad ku noqday muddo-kordhin laba sanno ah oo Golaha Guurtidu 24-kii November 2019-kii u sameeyeen Golaha Wakillada, taas oo ku dhammaanaysa bisha November ee sannadkan 2021-ka.

Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran iyo madaxweynaha Somaliland oo 17-kii January 2021 kulan ka yeeshay arrintan, ayaa soo jeediyey in Golaha Guurtidu go’aan ka soo saaro isla markaana is-waafajiyo xilliga doorashada loo muddeeyey iyo dhammaadka muddo-kordhinta Golaha Wakiillada.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net