Golaha Guurtida oo Muddo-Kordhin Laba Sanno Ah u sameeyey Golaha Wakiillada Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaannada golaha Guurtida Somaliland, ayaa maabta markii lixaad Muddo-kordhin labo sanno ah u sameeyey Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland.

Fadhi aan caadi ahayn oo Mudanayaasha Golaha Guurtida ay maanta isugu yimaaddeen, isla markaana ay ka soo xaadireen 71 Mudane oo uu ku jiro Guddoomiyaha golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan.

Waxa ay Xildhibaannadu u codeeyeen in Muddo-kordhin laba sano ah markii lixaad loo sameeyo Xildhibaannada golaha Wakiillada oo la doortay 2005tii.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Warqad qoraal ah oo uu toddobaadkii hore u soo gudbiyey golaha Guurtida, waxa uu kaga dalbaday intii uu xilka hayey markii labaad Muddo-kordhin u sameeyaan golaha Wakiillada, taasoo shirguddoonku u saaray guddi ka soo talo-bixisa Muddo-kordhintan Madaxweynuhu u soo dalbay golaha Wakiillada oo maanta markii lixaad muddo-kordhin loo sameeyey.

Dhammaan Xildhibaannada Golaha ka soo xaadiray ayaa cod aqlabiyad ah ugu codeeyey in laba sanno Wakiillada loo kordhiyo, Guddoomiyuhuna ma codayn, sidaas ayaanay ku ansaxday Muddo-kordhinta labada sano ah ee loo sameeyey golaha Wakiillada, sida uu Guddoomiyaha Guurtidu halkaas ka shaaciyey.

Muddo-kordhinta Wakiillada waxa bar-bar socotay muddo-kordhin ay isku sameeyeen Golaha Guurtida oo 3 sanno Qalinka isugu duugay.

Musuuliyiinta Xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa cambaareeyey muddo-kordhinta loo sameeyey Golaha Wakiillada.

Golaha  Wakiillada Somaliland, ayaa la doortay sannadkii 2005-tii, iyadoo sida dastuurka ku xusan muddo-xileedkoodu yahay muddo Shan sanno ah, haseyeeshee wakhtigii ka damabaysay xilliga muddo-xileedkoodu ku ekaa oo ahaa 2010-kii, waxa loo muddo-kordhin loo sameeyey tiraba Lix Jeer oo laba ka mid ahi yihiin muddadii labada sanno ahayd ee madaxweyne Muuse Biixi Xilka hayey.

Somalilandpost.net