Guddiga Doorashooyinka oo madaxweynaha u gudbiyey Wakhtiga Rasmiga ah ee Qabsoomidda Doorashooyinka loo qorsheeyey

 

Hargeysa (SLpost)- Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u gudbiyey Warqad sumaddeedu tahay Tix: KDQ/XK/002/2021, taas oo ujeeddadeedu tahay cayimaadda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee 2021.

Xubnaha komishanka doorashooyinka oo si rasmi ah u soo gebogebeeyey wejigii labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, ayaa sida sharcigu qorayo madaxweynaha qaranka u gudbiyey warqad ay ku cayimeen maalinta, bisha iyo sannadka ay doorashooyinka wakiillada iyo deegaanku qabsoomi doonaan, taas oo u qorshaysan 31/05/2021, si uu madaxweynuhuna ugu soo saaro wareegto rasmi ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada.

Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu xubnaha komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay dedaalka ay geliyeen dhammaystirka wejiga labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyaasha, waxana uu caddeeyey inuu ka madaxweyne ahaan diyaar u yahay oo ay ka go’an tahay sidii uu taageero buuxda u siin lahaa inay doorashadu ku qabsoonto wakhtiga ay komishanku u cayimeen, islamarkaana uu hawshaa doorashada muhiimad gaar ah siinayo,

“Waxa inoo ballan ah inta doorashadaasi Illaahay idambkii ay nabad inoogu dhammaanayso inaynu dhammaan hareeraha ka joogno, waannu idin garab joogaynaa, hawsha waannu idinla wadanaynaa, dhibaatooyinka idin haysta, hawlaha iyo culaysyada ay leedahay waannu idiin tixgelinaynaa, wixii aannu idin la qaban karnonna waannu idin garab taaganahay,” sidaas waxa yidhi madaxweynaha Somaliland oo la hadlayey Guddiga Doorashooyinka oo maanta kulan ku dhexmaray madaxtooyada.

Somalilandpost.net