Golaha Guurtida oo go’aan ka gaadhay wakhtiga Qabsoomidda Doorashada Deegaanka iyo Wakiillada Somaliland

Golaha Guurtida Somaliland [PHOTOFILE]
Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey go’aankii ay Komishanku ku muddeeyeen in Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada qabsoonto 31-ka bisha May 2021-ka.

Golaha Guurtida oo shalay isugu yimi fadhi aan caadi ahayn oo madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ku codsaday in Goluhu is-waafajiyo xilliga Guddiga doorashooyinku u go’aamiyey qabsoomidda Doorashada ee 31ka May 2021 iyo muddo-kordhin laba sanno ah oo Guurtidu hore ugu samaysay Golaha Wakiillada oo dhammaadkeedu ku egyahay 25 November 2021-ka, waxa ay maanta cod aqlabiyad ah ku laaleen go’aankaas hore, iyagoo meel-mariyey go’aanka Guddiga Doorashooyinka ee ah in Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo isku sidkan la qabto 31-ka bisha May ee sannadkan 2021-ka.

Advertisement

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa 16-kii January 2021-ka madaxweynaha u gudbiyey xilli kama-dambaysta ee ay u qorsheeyeen qabsoomidda doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo ku beegan 31-ka bisha May sannadkan 2021-ka.

Haseyeeshee, Go’aanka muddeynta doorashada ee Komishanka oo ay soo dhaweeyeen Axsaabta Siyaasadda, waxa caqabad ku noqday muddo-kordhin laba sanno ah oo Golaha Guurtidu 24-kii November 2019-kii u sameeyeen Golaha Wakillada.

Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran iyo madaxweynaha Somaliland oo 17-kii January 2021 kulan ka yeeshay arrintan, ayaa soo jeediyey in Golaha Guurtidu go’aan ka soo saaro isla markaana is-waafajiyo xilliga doorashada loo muddeeyey iyo dhammaadka muddo-kordhinta Golaha Wakiillada.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

 

Advertisement