Xukuumadda Somaliland oo Xisbiyada Mucaaradka ku eedaysay inay luminayaan Wakhtiga Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa labada Xisbi Mucaarad ku eedaysay inay sabab u noqonayaan dib u dhac ku yimaadda Doorashada maadaama ay ka soo horjeeedaan go’aanka furista ururrada Siyaasadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo maanta go’aan ka soo saaray bannaan-bax ay xisbiyada mucaaradku ka dalbadeen wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa uu sheegay in Xeerka doorashada ee xeer Lr.14/202 jideeyey qabsoomidda Doorashada iyo furitaanka ururrada siyaadda isla markaana ay goleyaasha Sharci-dejintu oggolaadeen.

Labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID, ayaa qoraal ay shalay u gudbiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha kaga codsaday bannaan-bax ay ujeeddadiisa ku sheegeen mid lagu badbaadinayo Somaliland kaddib markii sida ay sheegeen xukuumaddu faro-gelin ku samaysay komishanka Doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu xisbiyada mucaaradka ku eedeeyey inay luminayaan wakhtiga loo muddeeyey furista ururrada siyaasadda oo ku beegan bisha lixaad ee sannadkan iyo sidoo kale diyaar-garowga doorashada madaxtooyada oo ku muddeysan bisha November ee sannadkan.

“Arrinta Doorashada iyo Furitaanka Ururada waxaa jideeyay Xeer No.14/202, Golayaasha Xeer Dejintuna ay oggolaadeen, diidmada Xisbiyada Mucaaradka ayaa dib u dhigaya Doorashada, wakhtina lumineysa,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Xukuumadda Somaliland, waxa ay hore u sheegtay inay wakhtigooda ku qabanayso Doorashada Ururrada siyaasadda iyo sidoo kale Doorashada Madaxtooyada oo ay sheegtay inay ka qayb-qaadan doonaan saddexda urur ee ka soo baxa tartanka ururrada siyaasadda.

Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland, ayaa ku eedeeyey xukuumadda inay furista ururrada siyaasaddu uga dan leedahay dib-u-dhac ku yimaadda Doorashada madaxtooyada, iyadoo wakhtiga muddo-xileedka Xisbiyaduna ku egtahay bisha December ee sannadkan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net