Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Joojiyey Bannaan-bax Xisbiyada Mucaaradku ku Baaqeen

“Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Gudoomiyayaasha Gobollada inay Talaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo isku dayda in ay samayso Mudaharaad aan Sharci ahayn” – Wasiirka Arrimaha Gudaha

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa maanta shaacisay inay gebi ahaanba joojiyey bannaan-bax ay ku baaqeen xisbiyada Mucaaradka, kaas oo waraaq ay ku codsanayaan shalay u gudbiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID, ayaa qoraal ay shalay u gudbiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha kaga codsaday bannaan-bax ay ujeeddadiisa ku sheegeen mid lagu badbaadinayo Somaliland kaddib markii sida ay sheegeen xukuumaddu faro-gelin ku samaysay komishanka Doorashooyinka.

Wasiirka Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa qoraal uu maanta soo saaray oo jawaab u ah warqadda ay xisbiyada Mucaaradku ku dalbadeen bannaan-baxa, ayaa sheegay inaanu sharciga dalka waafaqsanayn bannaan-baxa ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaradku oo uu ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn isla markaana ka hor-imanaya xeerka nabadgelyada guud ee dalka.

Qoraalka uu Wasiirka Arrimaha Guduhu maanta soo saaray oo lagu socodsiiyey labada Xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani, Taliyaha Ciidanka Boolliska isla markaana ogeysiin la siiyey Guddoomiyeyaasha Gobollada dalka iyo madaxweynaha Somaliland, waxa lagu sheegay in ujeeddada qoraalka Xisbiyada mucaaradku aanay waafaqsanayn Sharciga isla markaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay xaq u leedahay leedahay Oggolaanshaha Mudaharaadyada sida uu dhigayo Xeerka Ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgelyada Guud.

“Iyadoo la eegaayo Danta Guud ee Qaranka iyo Ilaalinta Amniga, waxaan go’aansaday in aanan oggolaanin Mudaharaad, cidii isku dayda Abaabul iyo samayn Mudaharaad aan Sharciga waafaqsanayn haysana warqad oggolaanshiyo ah waxay burburinayaan Nabadgelyada Soomaaliland waxaaney ka soo horjeedaan Sharciga Soomaaliland,  si loo hubiyo loona sugo xaalada Nabadgelyada, waxaa la idin faryaa in Mudaharaad aan sharci ahayn uu yahay Sharci daro, Nabadgelyadana lagu waxyeelaynayo,” sidaas ayuu Wasiirka Arrimaha Guduhu ku sheegay qoraalka uu kaga jawaabay bannaan-baxa ay codsadeen xisbiyada Mucaaradka Somaliland.

Waxa kale oo wasiirku intaas ku daray, “Arrinta Doorashada iyo Furitaanka Ururada waxaa jideeyay Xeer No.14/202, Golayaasha Xeer Dejintuna ay oggolaadeen, diidmada Xisbiyada Mucaaradka ayaa dib u dhigaya Doorashada, wakhtina lumineysa”.

Sawirrada Hoose kaga bogo Qoraalka xambaarsan Go’aanka uu maanta soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net