Xukuumadda Somaliland oo shaacisay Dhaqan-galka Amar ay ku soo rogtay Shirkadaha Isgaadhsiinta

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technoolajiyadda ee Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday dhaqan-galka wareegto uu soo saaray horaantii bishii December ee sannadkii hore.

Wareegtada ayaa ku amraysay shirkadaha Isgaadhsiinta inay nidaamiyaan farriimaha ogeysiisyada iyo xayaysiisyada ee ay u diraan bulshada adeegyadooda isticmaasha, isla markaana ay u sameeyaan khaanad ay macaamiishu ku xakamayn karaan ama ku kala dooran karaan farriimaha uga imanaya shirkadaha Isgaadhsiinta.

Wareegtada oo ku wakhtiga dhaqan-galkeedu ku muddaysnaa 1-da bishan January 2022, waxa uu wasiirku ku shaaciyey qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, kaas oo uu ku sheegay inay dhaqan-gal tahay wareegtadaasi isla markaana ay shirkadaha isgaadhsiintu bulshada la wadaagi doonaan qaabka ay u marayaan xidhista iyo furista helitaanka farrimaha kala duwan.

“Waxa si toos ah u dhaqangalay 01/01/2022 wareegtadii wasaaradda ee lagu nidaaminayey adeegga fariimaha xambaarsan xayaysiisyada ee shirkada isgaadhsiintu u diraan macaamiisha, iyada oo shirkadaha isgaadhsiintu macaamiishooda la wadaagi doonaan habka ay u marayaan helidda iyo xidhidda adeegga fariimaha,”Sidaas waxa bartiisa Facebook ku baahiyey Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technoolajiyadda ee Somaliland Cabdiweli Suufi Jibriil.

Wasiirka oo la hadlayey bulshada, waxa uu yidhi, “Haddaba, waxa Wasaaraddu bulshada la wadaagaysaa in ay kala socdaan shirkadaha isgaadhsiinta wixii faahfaahin ah ee arrinkaas la xidhiidha.”

Si kastaba ha ahaatee, wareegtada Wasaaradda Isgaadhsiinta oo ka koobnayd Afar qodob, ayaa sheegaysa in shirkadaha Isgaadhsiintu xaq u leeyihiin inay macaamiishooda gaadhsiiyaan farrimaha ku saabsan adeegyadooda, balse ay tahay inay macaamiisha oggolaanshiyo uga farriimaha ku saabsan ogeysiisyada iyo xayaysiisyada ay cid kale u qabanayaan, taas oo ka dhigan in marka hore qofka macmiilka ahi oggolaado inuu helo farrimahaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net