Xukuumadda Somaliland oo Go’aan ka soo saartay Farriimaha Shirkadaha Isgaadhsiintu u gudbiyaan Macaamiisha

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyada ee Somaliland ayaa wareegto ka soo saartay Fariimaha Xayaysiiska iyo Ogeysiisyada ah ee shirkadaha isgaadhsiintu ay bulashada adeegyadooda isticmaasha ugu gudbiyaan.

Wareegto uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda Dr. Cabdiweli Suufi Jibriil, ayaa lagu amrtay shirkadaha inaanay bulshada u gudbin karin farriimo xayaysiis ama Ogeysiin ah, shirkaddii amarkan u hoggaansami weydana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Suufi Jibriil

Wareegtada oo dhaqan-galkeedu ka bilaabmayo bilowga Sannadka Cusub, waxa lagu sheegay in shirkadaha isgaadhsiintu xaq u leeyihiin inay bulshada gaadhsiiyaan farriimo ku saabsan adeegyada ay bixiyaan, balse aanay xaq u lahayn inay farriimaha xayaysiisyada iyo ogeysiiyada shirkadaha kale gaadhsiiyaan macmiil aanay oggolaanshiyo ka haysan.

Waxa ay wareegtadani ugu baaqday shirkadaha isgaadhsiinta inay sameeyaan ama hirgeliyaan adeeg-farsamo oo macmiilka u sahlaya inay iska xidhi karaan farrimaha aanay oggolayn inay soo gaadhaa.

Wareegtada kasoo baxday wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda, ayaa u qornayd sidan:- “Wareegto Wasiir oo nidaaminaysa fariimaha xanbaarsan xayaysiisyada, ogeysiisyada, oo hirgeli doonta kowda bisha January 1/1/2022 kana kooban qodobadan soo soda.

  1. In shirkadaha isgaadhsiintu xaq u leeyihiin gaadhsiinta iyo la socodsiinta macaamiishooda adeegyada isgaadhsiineed ee ay iagu bixinayaan oo kali ah.
  2. In fariimaha isgaadhsiineed ee xanbaarsan xayaysiisyada, ogaysiisyada ay shirkadaha isgaadhsiintu u qabanayaan cid kale ay ku gaadhi karaan macmiilka ogolaanshiyo laga helayo macmiilka.
  3. In fariin kasta oo uu macmiilku helayo isla markaana xanbaarsan xaysiis, ogeysiis cid kale leedahay lahaato qayb awood u siinaysa macmiilka in uu iska xidhi karo, joojin karo.
  4. In laga qaado shirkadda jabisa wareegtadan ganaaxyada uu qeexayo qodobka 73-aad ee xeerka boosha iyo isgaadhsiinta Somaliland Xeer.Lr.50/2020.” Sidaas ayaa lagu yidhi wareegtada uu soo saaray Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland.