Xukuumadda Somaliland Oo Madaxweynaha Masar Farta Ugu Fiiqday Baylahda waajibaad Uu Dayacay

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay Dalka Masar Uga Digtay Faro-gelinta Heshiiska Is-afgarad ee Dhexmaray dalka Ethiopia

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Dowladda Masar uga digtay inay soo faro-geliso arrimaheeda gudaha, waxaanay ugu baaqday inay dedaalladeeda dubloaasiyadda wax kaga qabto dhibaatooyinka ka taagan dalalka ay dariska yihiin ee Sudan, Liibiya iyo Falastiin.

War-murtiyeed maanta ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo ka jawaabaya hadallo daan-daansi u muuqda oo ka soo yeedhay madaxweynaha Masar, ayaa lagu dedafeeyey faro-gelin dibadeed oo carqalad ku noqda heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Ethiopia.

“Annagoo ka duulayna arrimaha soo kordhay, waxaanu mar kale ku celinaynaa sida hagar la’aanta ah ee ay Somaliland uga go’an tahay sidii ay wada-hadal iyo iskaashi ugu xallin lahayd arrimaha Gobolka. Ma Oggolin Cid kale oo soo faro-gelisa Heshiiska Is-afgaradka (MoU) ee ay wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya,” sidaas waxa lagu yidhi war-murtiyeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland.

Xukuumadda Somaliland waxa ay beesha Caalamka u bayaamisay inay sii wadayso wada-xaajoodyadii dibloosiyeed iyo iskaashiga ay la leedahay Caalamka si loo xoojiyo nabadda iyo horumarka Gobolka Geeska Afka.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdul-fatah Al-Sisi oo ay si wada-jir ah shir-jaraa’id u qabteen madaxweynaha Soomaalya Xasan Sheekh Maxamud oo booqasho ku tagay Caassimadda Qaahira, ayaa ku andacooday inay dowlad ahaan ka soo horjeedaan heshiiska dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ethiopia iyo wax uu ku tilmaamay wax kasta oo khatar ku ah ammaanka Soomaaliya.

Dowladda Ethiopia ayaa hadalka madaxweynaha Masar ku taageeray Soomaaliya ku tilmaantay tallaabo ka tarjumaysa heerka cadaawadda Xukuumadda Qaahira u hayso Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia.