Xukuumadda oo sheegtay inay wakhtigooda ku qabanayso Doorashooyinka Ururrada iyo Madaxtooyada

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa meesha ka saartay in furista Ururadu caqabad ku noqon karto qabsoomidda Doorashada madaxtooyada oo ku muddeysan dhammaadka Sannadkan.

Xukuumaddu waxa ay sheegtay inay wakhtigooda ku qabsoomayaan doorashada madaxtooyada iyo Doorashada lagu kala saarayo Ururrada Siyaasadda oo la furay.

Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland, ayaa ku eedeeyey xukuumadda inay furista ururrada siyaasaddu uga dan leedahay dib-u-dhac ku yimaadda Doorashada madaxtooyada, iyadoo wakhtiga muddo-xileedka Xisbiyaduna ku egtahay bisha December ee sannadkan.

Sida uu dhigayo Xeer Doorashada ee xeer Lr14, furista ururrada siyaasadda oo tobankii sanno-ba hal mar ah, ayaa ku beegan lix bilood ka hor wakhtiga uu dhacayo muddo-xileedka xisbiyada Qaranka, taas oo ku beegan bisha Lixaad ee sannadkan.

Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in doorasho kasta wakhtigeeda lagu qabanayo, isla markaana aanay waxba ka jirin eedaynta. xisbiyada mucaaradka.

”Madaxweynahaha Somaliland iyo xukuumadiisu waxay caddaynayaan in ay diyaar u yihiin in ay doorashooyinkii qabtaan, waxa la qabanayaa doorashadii urrurada siyaasada, waxa la qabanayaa doorashadii madaxtooyada, xukuumadda aan ka tirsanahay diyaar bay u tahay in ay doorashooyinka Qaranka mid walba wakhtigeeda ku qabato,” sidaas waxa yidhi Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo u warramy laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Wasiirka Warfaafinta oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey in xukuumaddu faro-gelin ku samaysay Guddiga Doorashooyinka, waxa uu sheegay in kala-qab iyo qaybsanaani ku timi guddiga Doorashooyinka, sidaas awgeed uu madaxweynuhu ka gutay waajibaad sharci.

“Madaxweynaha Somaliland ma faragalin koomiishanka ee iyaga ayay ka dhex dilaacday in ay laba kooxood noqdaan oo wada shaqayn waayay oo madaxweynaha waraaq usoo qoray, sidaa darteed sharcigu wuxuu madaxweynaha siinayaa in uu u magacaabo koomiishan madaxbannaan,” sidaas ayuu yidhi Wasiirku

Madaxweynaha Somaliland, ayaa guddi baadhis ah u saaray Guddiga Doorashooyinka, kaddib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee Guddiga oo isla markiiba doortay guddoomiye Cusub. Guddoomiyaha hore ayaa intii aan xilka laga qaadin madaxweynaha ka codsatay inuu guddi baadhis ah u soo magacaabo kaddib markii uu sheegay inay jiraan musuq-maasuq iyo kala qaybsanaan guddiga gudaheeda ka jirta.

Guddoomiyaha Cusub ee loo doortay komishanka, Marwo Kaltuun Sh Xasan, ayaa ku gacan-saydhay guddiga madaxweynuhu u magacaabay oo ay ku tilmaantay inay yihiin Guddi aan madax-bannaanayn.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net