Somaliland: KDQ oo Guddoomiye Cusub doortay, guddoomiye Riyo-raac oo dedafeeyey iyo Mowqifka Xisbiyada Mucaaradka

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey inay xilkii ka qaadeen guddoomiyihi hore ee Guddigaas Cabdirashiid Maxamuud Cali isla markaana ay doorteen guddoomiye Cusub.

Sida lagu sheegay qoraal maanta ka soo baxay guddiga Doorashooyinka, waxa maanta fadhi isugu yimi shan xubnood oo ka tirsan toddobada xubnood ee Guddiga, waxaanay halkaas guddoomiye ugu doorteen Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ah gabadha kaliya ee ka tirsan KDQ.

Qoraalka guddiga doorashooyinku soo saaray oo lagu baahiyey ciwaannada baraha Bulshada ee guddiga, ayaa isla markiiba laga saaray bogga Facebook ee guddida doorashooyinka Qaranka.

Qoraalka lagu baahiyey xil-ka-qaadista guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, ayaa ayaa u qornaa sidan:-

Komishanka doorashooyinka Qaranku wuxu si waafaqsan xeerka guud ee doorashooyinka iyo diwaangelinta codbixiyayaasha, Xeer Lr-91/2020 iyo Xeer-hoosaadka koomishanka Qaranka uu isbadel ku sameeyay hoggaanka komishanka dorashooyinka Qaranka Somaliland.

Waxa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 27-ka April 2022, xilkii guddoomiyaha komishanka laga badelay guddoomiyihii hore ee komishanka, mudane Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac).

Waxa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 27-ka April 2022 xilka guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland loo doortay Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, oo ka mid ah xubnaha KDQ, laguna doortay si aqlabiyad ah.

Komishanka doorashooyinka Qaranku wuxu guddoomiyihii hore uga mahad celinaya muddadii uu soo hoggaaminayay koomishanka iyo hawlihii baxaada lahaa ee muddada komishanka doorashooyinka qaranku qabtay.

Guddoomiyaha cusubna waxaan ugu ducaynaynaa in ILLAAHEY xilka u fududeeyo kuna asturo”, sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay guddiga dooashooyinka.

war-saxaafadeedka xilka qaadista

In kasta oo qoraalka hore laga saaray bogga Facebook ee KDQ, haddana isla gelinkii dambe ee maanta waxa bogga lagu faafiyey qoraal uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdirashiid Riyo-raac.

Qoraal ka ayaa lagu beeniyay qoraalka hore, waxa uu guddoomiye Cabdirashiid ku dedafeeyey xil-ka-qaadista lagu sameeyey oo uu ku sheegay inay salka ku hayso kaddib markii uu madaxweyne Muuse Biixi u gudbiyey qoraal  uu kaga codsanayo in uu guddi baadhiseed u soo magacaabo koomishanka doorashooyinka oo muran laxaad lihi hadheeyay.

Qoraalka uu soo saaray guddoomiye Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa u dhignaa sidan:- “Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Qaranka JSL, wuxuu beeninayaa xil ka qaadista sharci daradda ah ee lagu faafiyay baraha bulshada, isla markaana loo faafiyay si khaldan oo aan waafaqsanayn shuruucda uu koomishanku ku shaqeeyo.

Guddoomiyuhu wuxuu dhinacyada ay wada shaqaynta leeyihiin koomishanka doorashooyinka Qaranka gaar ahaan xisbiga Qaranka iyo xukuumadda ku wargelinayaa in warka la faafiyay isla markaana ay labada xisbi mucaarad ka hadleen iyagoon hubsan uu sharciyadiisa uu yahay mid aan waafaqsanayn sharciga Koomishanka.

Dhanka kale waxa guddoomiyaha xisbiyada Qaranka, xukuumadda iyo bulshada u caddaynaya in warka xilka qaadista aan sharciga waafaqsanayn ay sababtay qoraal uu guddoomiyuhu 25/4/2022 uu u gudbiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo raacaya xeerka guud ee doorashooyinka iyo diwaangelinta codbixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020 qodobkiisa 15-aad farqadiisa 2-aad.

Qoraalkaas oo uu kaga codsaday madaxweynaha in uu guddi baadhiseed u soo magacaabo koomishanka doorashooyinka oo murax laxaad lihi hadheeyay.

Ugu danbeyn wuxu bulshada Somaliland ka iyo daneeyayaasha doorashooyinka ka raaligalinayaa War-saxaaafadeedka khaldan ee la baahiyay” Sidaas ayaa lagu yidhi Qoraalka Dambe ee ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka.

war-saxaafadeedka lagu beeniyey xilka ka qaadista

Dhinaca kale, waxa xil-ka-qaadista lagu sameeyey guddoomiyaha guddiga doorashooyinka soo dhaweeyey xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID oo sheegay in xubnaha guddigu xaq u leeyihiin, sharciguna u bannaynayo inay iska dhex-doortaan hoggaankooda.

Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo xisbiga WADDANI u qaabilsan Komishanka doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in uu jiro xeer iyo nidaam siinaya in dhexdooda ay is baddeli karaan.

“Anaga guddoomiye kasta oo la doorto waa isku kaaya mid toddobadooda koomishan Qaran, asxaabta Qaranku laba xubnood ayay ku lahaayeen, balse markii la magacaabay ayaa ugu danbaysay in ay ka mid noqdaan asxaabta mucaaridka”, ayuu yidhi Ismaaciil Yare.

Waxa uu Ismaaciil Yare sheegay inuu jiro Xeer nidaamiyo u oggolaanaya xubnaha guddiga doorashooyinka inay hoggaan cusub iska dhex-dooran karaan. “Xeer iyo nidaam ayaa siyay in iyaga dhexdooduna is baddeli karaan, wax cusubna naguma’aha, wax aanu anagu danaynayna maaha, iyaga ayaa xaq u leh hadday is baddel sameeyaan iyo haddii aanay sameyn, toddobada koomishan Qarana anaga way noo siman yihiin, midna ma eedaynayno, ciddii hore ee joogtayna ma eedaynayno, oo si wanaagsan ayuu u shaqeeyay, cidda cusub ee la keenayna ma hanbalyaynayno, oo toddobada xubnood way noo siman yihiin, wax dhib ahna maanan arag, inuu is baddal dhacayna waa ay noo sheegeen.” Ayuu yidhi Ismaaciil Yare oo warbaahinta kula hadlay xarrunta guddiga doorashooyinka.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Wax layaaba oo weyn oo guddida doorashooyinka ka dhex socda ma jiro, shaqadoodii caadiga ahayd ayay wataan, hawshoodii ayay wataan, tan kale iyagu xaq ayay u leeyihiin, anagana toddoobaduba waa ay noo dhaarsan yihiin, Qaranka Somaliland oo dhan ayay u dhaarteen oo ay dhex u yihiin, hawsha is baddelka gudahooda iyaga ayay u taala.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net