Xisbiga Kulmiye Oo Birta Ka Aslay Siyaasi “Danihiisa Ka Dhex Arkay Xiisadda Laascaanood”

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa maanta xubinimadii guddiga fulinta iyo xisbigaba ka saaray Siyaasi Axmed Muumin Seed oo hore xilka Wasaaradda Beeraha uga soo qabtay Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Guddiga anshax-marinta Xisbiga oo shir ka yeelatay Axmed Muumin Seed ay go’aamiyeen in xubinimada iyo guddiga Fulinta laga saaray siyaasigan oo xukuumadda ku dhaliilay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Afhayeenka Xisbiga Kulmiye oo warbaahinta kula hadlay xarunta Xisbiga Kulmiye

Advertisement

https://youtu.be/tXwVfgB3bDM

Axmed Muumin Seed oo dhawaan warbaahinta la hadlay, ayaa ku dooday in tabashada reer Laascaanood oo Sababtay dagaalka u dhexeeya maleeshiyo-beeledka huwanta ee ku sugan Laascaanood ay mid la mid ahi taallo oo ka jirto Gobolka Awdal oo siyaasigani dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed oo xilka Wasaaraddaas ka sii maqnaa muddo ku dhow Laba sanno, ayaa xisbiga Kulmiye ku biiray sannadkii 2016-kii isagoo xilligaas ka soo diga-rogtay Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu hoggaankiisa sare ka mid ahaa.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Follow us On