Wasiirka Beeraha Somaliland oo Shaaciyey Nidaam Cusub oo AYAXA lagula dagaalamayo

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay inay bilaabayaan qorshe cusub oo Xukuumaddu kula dagaallamayso Ayaxa oo deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Bariga iyo Galbeedka Somaliland baryahan si is-daba-joog ah ugu degayey.

Wasiir Axmed Muumin oo Shir Jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu faahfaahiyey qaab cusub oo uu sheegay inay Wasaaraddiisu qorshaysay in lagu cidhib-tiro Ayaxa oo uu sheegay inuu dhibaato ku haya dalagga Beeraha iyo sidoo kale nabaadka Dhulka Xoolo-daaqeenka ah, iyadoo ay Dadka Beeralayda iyo Xoolo-dhaqatuba ka cabanayeen Ayaxaas bilihii u dambeeyey.