Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaannada labada Aqal baarlamaan ee Soomaaliya, ayaa madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya u doortay Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib tartan saddex wareeg qaatay oo maanta ilaa caawa dhexmaray murashaxiinta ku tartamaysay xilka madaxweynaha Soomaaliya oo tiradoodu kor u dhaaftay 15 murashax.

Tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ku qabsoomay xerada Afisyoone ee Muqdisho, waxa codkooda lagu tartamayay 329 xildhibaan, waxaana wareegga 2aad ee doorashada isugu soo hadhay Afar murashax oo kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Xasan Cali Kheyre iyo Siciid Cabdilaahi Deni.

Haseyeeshee loollan adag oo Afarta murashax ku dhexmaray codadka mudaneyaasha, waxa wareegga 3aaf isugu soo hadhay Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 110 cod iyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo helay 83 cod.

Wareegga Saddexaad ee doorashada waxa ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 214 cod halka madaxweynaha xilka ka dagaya ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ka helay 110 cod.

Tartanka caawa dhexmaray labadan siyaasi oo ka dhigan markayga ii jaro, ayaa dib inoo xusuusinaya doorashadii xilka madaxweynaha loogu doortay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo sannadkii 2017-kii xilligaas oo Farmaajo sidan oo kale tarntanka uga guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaas ahaa madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya yeelato.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore loogu doortay madaxweynaha Soomaaliya sannadkii 2013kii xilligaas oo uu xilka kala wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ahaa murashaxiintii caawa u tartamay xilka madaxweynaha balse ku hadhay wareegga 1aad.

SOMALILANDPOST.NET

CONTACT@SOMALILANDPOST.NET