Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (SLpost)- Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah ugu guulaystay xaqiijiyay in uu madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu wareegii saddexaad ka tanaasulay madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud oo ay isugu soo hadheen.

farmaajoMaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegii labaad ku soo baxay 185, hase ahaatee markii loo diyaar garoobay wareegii saddexaad ayaa waxaa ka tanaasulay Xasan Sheekh Maxamuud oo helay codad dhan97, halka Shariif Sheekh Axmed uu helay 46 cod.

Ugu danbeyntii, waxa lagu dhawaaqay in madaxweynaha Soomaaliya afarta sanno ee soo socta uu noqonayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa hore u soo noqday Raysalwasaraha Soomaaliya xilligii uu dalkaas madaxweynaha ka ahaa Murashaxa Doorashada ku hadhay wareegga labaad ee Shariif Sheekh Axmed oo isagu xika ku wareejiyey madaxweynaha hadda doorashada lagaga guulaystay