Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay u Qaabilsanaa Soomaaliya oo maanta ku Geeriyooday dalka Tanzania

Advertisement

 

Dar es Salam (SLpost)- Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha sharciga ee dalka Tanzania, Augustine Mahiga, ayaa gelinkii hore ee maanta ku geeriyooday caasimadda waddankaasi ee Dodoma, waxaana sababta geeridiisa lagu sheegay xanuun ku soo booday, sida ay shaacisay dowladda dalka Tanzania.

Augustine Mahiga waxa uu ahaa diblomaasi muddo dheer soo shaqeeyay, waxaanu hore u soo noqday Wakiilka Joogtada ah ee dalka Tanzania u fadhiya Qaramada Midoobay, isagoo xilkaas hayey intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2010-kii.

Advertisement

Danjire Mahiga, ayaa waxa uu sidoo kale soo noqday sarkaalka ugu sarreeya xafiiska Qaramada midoobe ee Soomaaliya xilligii uu dalkaas Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Danjire Mahiga ayaa ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSRS), isagoo sidoo kalena hayey xilka xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya ee UNPO, isagoo xilkaas hayey intii u dhaxaysay 2010-kii ilaa 2013-kii, kaddib markii uu xilkaas u magacaabay Xoghayihii Guud ee Qarmada Midoobay Ban ki Moon, isagoo beddelay masuulkii xilkaas uga horeeyey danjire Ahmedou Ould-Abdallah.

Danjirahan ayaa aad loogu xusuustaa kaalintii uu kulahaa shirkii heshiiskii Kampala ee uu xilka Raysal-wasaaranimo uga tegay madaxweynaha hadda xilka haya ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khilaaf dhexmaray madaxweynihii wakhtigaas.

Bishii Demcember 2015-kii, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Tanzania, isagoo xilkaas hayey ilaa sannadkii 2019-kii.

Augustine Mahiga oo da’diisu ahayd 74-jir, ayaa xilliga uu geeriyooday hayey xilka wasaaradda Cadaaladda ee dalka Tanzania oo loo magacaabay dhammaadkii sannadkii 2019-kii.

Somaliland iyo Mahiga

Ex-president Axmed Siilaanyo iyo Danjire Mahiga

Danjire Mahiga, ayaa muddadii uu xilkaas hayay tirada dhowr jeer Booqasho ku yimi Somaliland, isagoo ka qayb-qaatay Bilowgii wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee sannadkii 2011-kii xilligii uu siyaasadda dalka hoggaaminayey madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

 

More New about Mahiga to Somaliland

Augustina Mahiga oo Faro-gelin Qaawan ula badheedhay Xukun ay go’aamisay Maxkamadda Ciidamada Somaliland

Nuxurka kulan Dhex maray madaxweyne Siilaanyo iyo Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia

Wakiilka Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo Galabta Safar Shaqo ku yimi magaalada Hargeysa

Augustina Mahiga oo Xukuumadda Somaliland Ka Raalli-geliyey Warqad Xafiiskiisa ka soo baxday iyo Jawaabta Masuuliyiinta Dawladda

Augustina Mahiga oo Faro-gelin Qaawan ula badheedhay Xukun ay go’aamisay Maxkamadda Ciidamada Somaliland

 

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Advertisement