Nuxurka kulan dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Ambassador Mahiga

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Qarammadda Midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augustina Mahiga oo socdaal qaatay muddo laba maalmood ah ku yimid Somaliland.

“Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo wakiilka Xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augustina Mahiga waxay ka wada hadleen dhawr qodob. Qodobka hore wuxuu ku saabsanaa shirkan labada maalmood ah ee ka socday magaalada Hargeysa ee lagu dardar gelinayo laguna xoojinayo Ha’yadaha dhinaca ammaanka ee beesha caalamkuna khubarada u soo direen inay gacan ka geystaan ayuu qodobka hore ee kulanka madaxweynaha iyo wakiilka qaramada midoobay ka wada hadleen,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

“Mr. Mahiga waxa uu ka waramay sida ay beesha caalamku u taageersan tahay nabadgelyada ka jirta Somaliland waxaanu sheegay inay qaramada midoobay gacan weyn ka geysan doonto sidii ay ula shaqayn lahayd Somaliland ee loo sii adkayn lahaa nabadgelyada iyo Ha’yadaha nabadgelyada qaabilsan,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

Dr. Maxamed Cabdilaahi wuxuu sheegay inuu madaxweynaha Somaliland uga waramay Wakiilka qorshihii shan sanadoodlaha ahaa ee xukuumaddu samaysay waxaanu yidhi “Madaxweynuhu wuxuu uga waramay wakiilka qarrammadda midoobay qorshaha shan sanadoodlaha ah ee ay xukuumadda Somaliland ay dhigatay gaar ahaan wuxuu tafaasiil ka siiyay qorshaha xukuumaddu ku doonayso inay ku horumariso adeegyadda bulshada iyo Ha’yadaha amnigaba.”

Dhinaca kale, waxa kulankaasi goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net