Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland oo ka Hadlay Khilaafka ka taagan Xubnaha Komishanka Cusub ee Doorashooyinka 

 

Hargeysa (SLpost)- Ururrada Bulshada Rayidka ee Somaliland, ayaa maanta war ka soo saaray mowqifkooda ku aaddan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan diyaar-garowga Doorashooyinka oo salka ku haya xubnaha cusub ee Komishanka Doorashada, kuwaas oo magacaabistooda ay ku kala afkaar duwan yihiin Xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumadda.

Khilaafka xilligan doorashooyinka ka taagan ayaa ah Cabasho xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ka muujiyey xubnaha cusub ee guddiga Doorashooyinka ee madaxweyne Biixi magacaabay oo qaarkood uu la xidhiidhiyey inay ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaanay taasi sababtay in Xisbiga Waddani qoraal uu ku codsanayo in la hakiyo xubinta ay u soo magacaabeen guddiga Doorashooyinka u gudbiyeen Golaha Wakiillada oo madaxweyne Biixi u soo gudbiyey Toddobada Xubnood ee guddiga Doorashooyinka Cusub si ay waajibkooda sharciga uga gutaan ka hor inta aan la ansixin.

Kulan ay maanta Hargeysa ku yeesheen 40 xubnood oo ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka ah oo ku midaysan Dallada SONSAF, ayaa lagaga hadlay khilaafka ka aloosan arrintan, iyagoo soo bandhigay mowqifkooda la xidhiidha xal-u-helidda muranka taagan.

Kulanka oo intii uu socday saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, waxa markii uu soo dhammaaday arrimaha lagaga hadlay iyo mowqifka ay isla qaateen sida wada-jir ah warbaahinta ugu sharraxay Guddoomiyaha dalladda ay ku midaysan yihiin Ururrada Bulshada ee SONSAF, Anwar Maxamed Warsame iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maxamed Siciid Xirsi.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Faahfaahinta Warkan