Toddobada Xubnood ee Komishanka Cusub oo loo gudbiyey G/Wakiillada iyo Xisbiga Waddani oo Hakiyey Xubintii uu soo magacaabay

 

Hargeysa (SLpost)- Xubnaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay soo loo gudbiyey Golaha Wakiillada si ay uga gutaan waajibaadkooda Qaran oo u kala baxaya hubinta shuruucda sharci ee ku waajibay ka mid noqoshada xubnaha ee Guddiga Doorashooyinka iyo Ansixintooda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax  oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inay soo gaadheen magacyada todobada xubnood ee loo soo magacaabay komishanka cusub, gole ahaana ay waajibkooda ka gudanayaan maalmaha soo socda.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay Guddi golahooda ka tirsan baadhitaan ku samayn doonto xubnaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka si loo xaqiijiyo inay xubnaha cusub buuxiyaan shuruudaha ku waajibay, kuwaas oo uu ka mid tahay inay ka tirsanayn ama ku jirin dhinacyada siyaasadda.

“Golaha ayay tahay waajibkooda inay ka gutaan, goluhuna waa Gole Qaran, markaa qofkii shuruudda buuxin waayo, waa la eegayaa,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Baashe Faarax.

Haseyeeshee, Guddoomiye Baashe waxa uu sheegay inay soo gaadhay waraaq uga timi Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, taas oo xisbigu ku dalbanayo in la hakiyo Xubintii ay u soo magacaabeen ee u metelayey Guddiga Doorashooyinka, taas oo uu guddoomiyuhu ku micneeyey inay la xidhiidho arrimo cabasho.

“Xisbiga Waddani baa waraaq keenay ay ku hakinayo xubinimadii xubintiisii uu cabashona ka muujiyey, markaa waraaqdaasi saaka way na soo gaadhay,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax.

Todobada Xubnood ee Guddiga Doorashooyinka, waxa si sharcigu dhigayo soo kala xula Madaxweynaha oo saddex xubnood soo magacaaba, Laba xubnood oo Xisbiyada mucaaradku soo xulaan iyo Laba xubnood oo Golaha Guurtidu soo magacaabo.

Saddexda Xubnood ee Madaxweynuhu soo magacaabay, ayaa kala ah Cabdirashiid Maxamed Riyo-raac oo xil-wasiirnimo hore uga soo qabtay xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ka tirsan Guddiga Doorashada ee hadda xilka sii haya iyo Mustafe Maxamed Daahir oo ah Aqoonyahan da’yar oo hawlo shaqo ka soo qabtay Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Xubinta Xisbiga UCID soo magacaabay ayaa lagu magacaabaa Xasan Yuusuf Ducaale halka Xisbiga Waddani uu soo magacaabay Cabdikariim Yaasiin Sheekh Dalmar oo ah xubinta uu xisbigu dalbaday in la hakiyo kahor inta aanay golaha Wakiilladu waajibaadkooda ka gudan, lama oga xaqiiqada dhabta ee ka dambaysa nooca cabashada xisbiga Waddani ku codsaday hakinta xubinta xilli uu madaxweynuhu u soo gudbiyey Golaha Wakiillada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, ayaa isaguna soo magacaabay laba xubnood oo lagu kala magacaabo Maxamed Daahir Jaamac iyo Cabdiramaan Ismaaciil Dixood.

 

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net