Suxufi Cabdiqaadir Codey oo xorriyaddiisa Dib u helay & Qaabkii loola dhaqmay muddadii uu xidhnay

 

Hargeysa (SLpost)- Tifaftiraha Telefishanka Madaxa-bannaan ee HCTV, Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday) oo muddo laba bilood ah ku xidhnaa Xarunta dambi-baadhista ee magaalada Hargeysa ayaa maanta xoriyadiisii dib u helay.

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa Suxufi Cabdiqaadir Codey shalay ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo saddex milyan oo shillinka Somaliland ah.

Haseyeeshee, waxa suxufiga la sii daayey maanta  ka dib markii loo hiibiyey halkii sano ee Maxkamada Gobolku ay ku xukuntay isla markaana la bixiyey saddexdii milyan ee ganaaxa ahaa, iyadoo sharcigu oggol yahay in la iibsan karo Xukunka laba sanno ka yar.

Tifaftire Cabdiqaadir Coday ayaa markii la soo daayey ka hadlay sida uu u arko inuu xoriyaddii dib u helay maadaama oo uu mudo laba bilood ah xidhnaa, waxaanu yidhi “Xukuumadda Waxaan ugu baaqayaa, xadhiigu ma xuma ee waxaan ka codsanayaa in saxafiyiinta xadhigooda loo maro sifo sharci ah. Suxufigu isagoo banaanka jooga dacwada ha lagu soo oogo.”

“Xaqiiqatan intii aan ku xidhnaa xarunta CID-da si fiican ayaa la iila dhaqmay, waliba ha u badnaato intii uu xilka la wareegay hoggaanka cusub ee Faysal Xiis,” Sidaas ayuu yidhi Tifaftiraha telefishanka Horn Cable Tv.

Suxufi Cabdiqaadir ayaa loo xidhay Dacwad uu hay’adaha garsoorka u gudbiyey maamulka madaarka Hargeysa, kaddib markii uu telefishanku baahiyey Warar ka dhan ah garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa oo sida dacwadda lagu sheegay nidaamka maamul ee ka jira lagu dhaliilay warbixinnada telefishanku baahiyey.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net