Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Xukun iyo Ganaax ku ridday Tifaftaha HCTV iyo SOLJA oo ka hadlay

 

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta xukun ku riday Tifaftiraha telefishanka HCTV Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday) oo mudo laba bilood ah ku xidhnaa xarunta dambi baadhista ee magaalada Hargeysa.

Cabdiqaadir Codey oo kiiskiisu ka socday maxkamadda Gobolka Maroodi-jeeh ilaa Bishii November, kuna eedaysnaa Warar telefishanku ka baahiyey gegida diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa Maxkamaddu go’aan ka soo saartay maanta gelinkii hore, waxaanay Maxkamaddu ku xukuntay Hal sano oo xadhig ah iyo saddex milyan oo Somaliland Shiling ah oo ganaax ah.

Xukunkan Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ay ku riday Tifaftire Cabdiqaadir Codey, waxa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

“Maanta waxa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay xukun ku riday Tifaftirihii HCTV Cabdiqaadir Saleebaan Coday, kaas oo muddo laba bilood ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa, iyadoo damaanadii nalaga diiday in lagu siidaayo Cabdiqaadir Coday,” ayuu yidhi Guddoomiye Xuuto.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Runtii urur ahaan waanu soo dhaweynay xukunkaasi, sifo kasta markii hore ha ku qaldanaadee ama ha loo maree, xukunkaasi waanu soo dhaweynay. Waxaananu doonaynay in aanu marno nidaamka aanu Cabdiqaadir Coday hawshiisa ku dhamayn lahayn, hase yeeshee waxa isla markiiba racfaan ka qaatay go’aankii maxkamadda, Xeer-ilaalinta, taas oo marka nidaamka sharciga ah la eego ay xaqu u leedahay hadii aanay ku qancin xukunkaasi, si anaguba hadii aanu u arkayno in aanu xukunkaasi noo cuntamayn aanu racfaan uga qaadan lahayn.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay oo kale, “Hase yeeshee waxaanu u aragnaa talaabo xukuumaddu ay qaado oo adag ay tahay, markii horeba anaga oo u arkaynay in xukunkaasi sifihii hore ee loo maray aanu sharci ahayn,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

https://www.youtube.com/watch?v=PDv1fVUi4b8