Somaliland: Wasaaradda Waxbarashada Oo Muddeysay Imtixaanka Shahaadiga ah Oo Ardaydii U Tira Badnayd U Fadhiisanayaan

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland ayaa si rasmi ah u shaacisay xilliga uu bilaabmi Doono Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Fasalada siddeedaad ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Fasallada afraad ee Dugsiyada Sare.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo Madaxa Xafiiska imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax oo si wada-jir ah warbaahinta ugula hadlay xarunta wasaaradda, ayaa sheegay in imtixaanka Shahaadiga ahi uu Dalka ka bilaabmi doono 17-ka bishan June.

Imtixaanka Shahaadiga ah oo markii hore ku muddeysnaa inuu Dalka ka Bilaabmo 10-ka Bishan June, ayaa dib loogu dhigay Hawsha Kaadh-bixinta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha maadaama dugsiyada qaarkood loo adeegsanayo hawsha kaadh-bixinta oo xilligan laga wado gobollada Awdal, Saaxil iyo Sanaag.

Advertisement

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, ayaa Ardayda ka qayb-galaysa imtixaanka uga digay Isku day kasta oo Qish ku iman karo, isagoo xusay inay wasaarad ahaan u diyaar-garoobeen xakamaynta farsamo kasta oo ardaydu u adeegsan karo Qiska Imtixaanka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa shaaciyey tiradaba guud ee Ardayda sannadkan u fadhiisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare.

“Waxa imtixaanka ka qayb-galay 41 Kun Arday oo isugu jira 16-kun oo Dugsiyada Sare ah 25-kun oo ka qalin-jabinaya fasalka Siddeedaad,” ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo intaas ku daray inaanay Tiradaas guud ku jirin 3,243 Arday oo Wax Ka Baranayey Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee Gobolka Sool, kuwaas oo Golaha Wasiiradu kafaalo-qaadeen natiijada Imtixaankooda oo la go’aamiyey inay sidaas ku gudbaan shahaadooyinkoodan la siin doono maadaama xiisadda colaadeed ee gobolka ka jirtaa saamayn ku yeelatay waxbarashadooda.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedkan waxa u fadhiisanaya tiradii ugu badnayd Ardayda Dugsiyada Dhexe iyo Sare oo lagu sheegay in ka badan 41,000 Arday, iyadoo sannadkii hore ay imtixaanka shahaadiga ah u fadhiisteen 37-kun Arday oo isugu jiray 23-kun Dugsiyada H/Dhexe ah iyo 14-kun Dugsiyada Sare ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On