Somaliland: Maxkamadda Sare oo soo Gebo-gebaysay Dhegaysiga Dacwadaha Natiijadii Doorashada Golaha Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ahna Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa maanta u fadhiisatay wejiga 3aad ee dhegaysiga Dacwado la xidhiidha natiijadii Doorashada Golaha Wakiillada, kuwaas oo ay soo gudbiyeen murashaxiin cabashooyin ka qaba natiijada la shaaciyey.

Dacwadaha la xidhiiidha natiijada Doorashada Golaha Wakiillada ee Maxkamadda loo gudbiyey oo tiradoodu ahayd 24 kiis, ayaa loo qaybiyey Saddex weji, waxaanay maxkamaddu hore u dhegaystay 14 Dacwadood.

Fadhigii koowaad oo qabsoomay 23-kii bishan June ayay maxkamaddu ku dhegaysatay 7 dacwadood, halka fadhiga labaad ee Maxkamadda oo qabsoomay Axaddii shalay oo ay u qorsheysnayd 8 dacwadood waxa ay Maxkamaddu dhegaysigooda soo gebo-gebaysay 7 dacwadood, waxaana meesha ka baxay hal dacwad kaddib markii murashaxii soo gudbiyey dacwadda 8aad uu soo gudbiyey inuu ka tanaasulay dacwaddiida.

Haddaba fadhiga saddexaad ee Maxkamaddu maanta yeelatay oo lagu soo gudnaanaday dacwadaha natiijada doorashada ee loo soo gudbiyey, waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ay weheliyaan garsoorayaasha Maxkamadda.

Fadhiga maanta oo qorshuhu ahaa in lagu dhegaysto 9 dacwadood, waxa ay maxkamaddu gudo-gashay isla markaana soo gunaanadday dhegaysi 8 dacwadood, kaddib markii ay fadhiga ka soo xaadiri waayeen Murashaxii soo gudbiyey dacwadda 9aad iyo Qareenkiisii.

Sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda, waxa Fadhiga maanta ayaa u furnaa dadweynaha danaynaya in
ay dhagaystaan, waxaana goob-joog ka ahaa oo ka qayb galay xubno ka mid ah kor-joogayaashii Doorashada ee caalamiga ahaa iyo kuwa maxaliga ah

Tirada Dacwadaha ay Maxkamadda Sare ka yeelatay saddexda Fadhi ayaa noqonaya 22 Dacwadood, kuwaas oo dhammaantood la filayo inay Maxkamaddu go’aamo ka soo saarto maalmaha soo socda iyadoo loo eegayo xeerka doorashooyinka iyo xeerarka kale ee la xidhiidha, waxaanay maxkamadda Sare ku dhawaaji doontaa natiijada rasmiga ah ee Doorashada Golaha Wakillada ee Somaliland.

Maxkamada sare ee Somaliland

Fadhiga maanta ee Maxkamadda waxa Guddoomiyaha ku wehelinayay Ku-xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele, Garsoore Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Garsoore Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Garsoore Axmed Diiriye Qaalib, Garsoore Yaxye Cali Idiris, Garsoore Maxamed Faarax Siciid, Garsoore Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, Garsoore  Cabdilaahi Cabdi Aadam iyo kaaliyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Sahra Ismaaciil Cabdilaahi oo ay caawinayeen kaaliyayaasha kala ah Khadar Muuse Cabdi, Cabdisalaan Muuse Ducaale iyo Cumar Cabdiwahaab Siciid.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net