Somaliland: Komishanka oo Shaaciyey Nidaam Cusub oo lagu Geli Doono Doorashooyinka soo Socda

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyey in Dooraashooyinka soo socda lagu gelayo qaab ka casrisan nidaamkii lagu qabtay Doorashooyinkii Isku-sidkanaa ee Goleyaashaha Wakiillada iyo Deegaanka oo 31-kii May ee sannadkan ka qabsoomay Dalka.

Nidaamka cusub ee Guddidu sheegtay in lagu geli doono Doorashooyinka dambe, ayaa ah mid lagu casriyeeyey hannaankii diwaan-gelinta codbixiyeyaasha kaas oo looga guuri doono Buugaagtii laga baadhi jiray Liistada codbixiyeyaasha goobaha, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Cabdirashiid Riyo-raac oo hadal ka jeediyey kulan ku qabsoomay magaalada Hargeysaoo  lagu soo badhigay warbixin la xidhiidha Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay.

Guddoomiye Cabdirashiid waxa uu tilmaamay in iyadoo looga gol leeyahay casriyeynta nidaamka Doorashada la isticmaali doono qayb cusub oo lagu soo kordhiyey agabka Tiknoolajiyada ee loo isticmaalo Doorashooyinka, kaa soo oo uu sheegay inay Dawladda Taiwan ku caawisay Somaliland.

“Waxa mar kasta muhiim ah in horumar laga sii sameeyo qaabka Doorashooyinka aynu ku galno, maadaama oo aynu koritaan ku jirno. Markaa Komishanka Doorashooyinka Qaranku wax badan buu qorshaynayaa, waxaynu haysanay Qalab Isha qabta, laakiinse maynu haysan qalab marka goobta laysla tago akhriya waxa la hayo ee goobta yaalla, oo Doorashada qayb waxaynu u isticmaalaynay Buugaag iyo qalin iyo in wax la baadho.

Arrintaas waxaan rajeynaynaa inaynu ka guurno Doorashada soo socota buuggaagtii la baadhayey, qalabkeediina waa inoo yaallaa oo dawladda Taiwan ayaa inaga caawisay, Soft-ware kii iyo nidaamkiisana shirkado Koonfur Afrika laga leeyahay ayaa sameeyey, laakiinse waxa wali noo hadhay in aanu gobolada iyo degmooyinka ku soo tijaabino oo qof waliba halka uu ahaa Indhihiisa lagu qabto,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Riya-raac.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in nidaamkan cusub uu diyaar ahaa maalmo ka hor Doorashooyinkii Wakiillada iyo Deegaanka, balse iyadoo laga taxadirayo in khalad ka yimaado loo dhigtay in Doorashooyinka dambe la isticmaalo.

“Nidaamkani wuxuu meesha ka saarayaa in sawir dambe Buug laga baadho, Indhuhu marnaba ma khaldamayaan, laakiinse waa sawirka oo laga yaabo qofkii isagoo 15 jir ah isdiwaangeliyey uu sawirkiisu isbeddelo, markaa taasa meesha laga saraayaa. Waxa kale oo horumarka Komishanku gaadhay ee uu qorsheynayo kamida in xal loo helo diwaangelintan soo noqnoqaysa ee afarta jeer ee Doorashada ahba imanaysa ee dhaqaalaha badani inagaga baxayo, gaadhista dadkuna caqabadaheeda kamid tahay, arrintaas waxaan rajeynaynaa in talo qaran laga yeesho,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Cabdirashiid Riyo-raac.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net