Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray Doorashadii u horeysay nooceeda ee dalka ka qabsoonta

Madaxweynaha Somaliland oo codkiisa dhiibanaya

Hargeysa (SLpost)- Guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxa saaka oo taariikhdu tahay 31 May 2021 looga dareeray codbixinta doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha wakiillada iyo degaanka.

Shacabka Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee saaka safar dhaadheer u galay sidii ay codkooda ugu dooran lahaayeen Xildhibaannada beddelaya Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaannada, waxaana goobaha qaarkood lagu arkayey safaf dhaadheer oo ay codbixiyeyaashu ku jiraan kaddib markii laga soo baxay salaaddii Subax.

Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha Somaliland, ayaa ka mid ah muwaadiiniinta subaxnimadii saaka codadkooda ka dhiibtay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha dowladda ee magaalada Hargeysa.

Doorashadan oo noqonaysa tii u horeysay nooceeda ee dalka ka qabsoonta maadaama mar kaliya la wada qabtay doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada, waxa ka qayb-qaatay in ka badan Hal Milyan oo Codbixiye hore loo diiwaangeliyey.

Doorashada ayaa ku qabsoomaysa 23 degmo-doorasho oo guud ahaan dalka ah, kuwaas oo ay ku yaallaan 2,709 goob-doorasho, waxaana guud ahaan ka qayb-qaadanaya 798 murashax oo u tartamaya Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, kuwaas oo ay ku jiraan 28 Haween ah.

Madaxweynaha Somaliland oo codkiisa dhiibanaya

246 murashax ayaa u tartamaya 82-ka kursi ee uu ka kooban yahay Golaha Wakiillada Somaliland, halka ay Goleyaasha deegaanka u tartamayaan 552 murashax oo laga soo dhex-dooran doono 249 xildhibaan oo Goleyaasha deegaanka ah.

Doorashada Golaha Wakiillada ayaa noqonaysa tii labaad ee ka qabsoonta dalka tan iyo 2005-tii oo ahayd markii la doortay mudaneyaasha xilligan ku sii fadhiya kuraasida Golaha Wakiillada.

Halka Doorashada Goleyaasha Deegaanku noqonaysa tii saddexaad ee dalka ka qabsoonta tan iyo 2001-dii oo ahayd markii ugu horeysay ee Somaliland laga qabto doorasho shacabku codkooda wax ku doortaan, waxaana ugu dambaysay sannadkii 2012-kii oo la doortay Goleyaasha deegaanka ee wakhtigoodu dhammaaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net