Somaliland: Komishanka oo Cayimay Wakhtiga la Shaacinayo Natiijada Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- Guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxa fiidnimadii caawa la soo xidhay goobaha ay ka soo socotay codbixinta Doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada oo subaxnimadii hore ee saaka looga dareeray dalka.

Doorashadan oo noqonaysa tii ugu horeysay nooceeda ee dalka ka qabsoontay, waxa ka qayb-qayb-qaatay 798 murashax oo u tartamaya goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada, waxaana la filayaa inay codkooda dhiibtaan in ka badan Hal Milyan oo codbixiye.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac), ayaa sheegay inay muddo 24 saac gudahood ah ku heli doonaan natiijada Hor-dhaca ah ee Doorashada Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada Somaliland, balse ay natiijada rasmiga ahi qaadanayso muddo toddobaaddo ah.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in inkasta oo tirada codbixiyeyaasha la diiwaangeliyey ee doorashada ka qayb-qaadanayaa ka badan yihiin tirada dadkii codeeyey doorashooyinkii hore, haddana ay kalsooni buuxda ku qabaan inay natiijada hordhaca ah ku soo saarayaan muddo 24 saacaadood ah.

“Hal milyan iyo ka badan ayaynu rejaynaynaa inay codeeyaan doorkan, wakhtiga bay u baahan tahay tiriteedu. Haddii aanu culays badan jirin, Waxaanu rejaynaynaa oo ku kalsoonnahay muddo Afar iyo labaatan saacadood ah lagu heli doono natiijada hordhaca ah ee degmooyinka. Ta gobolladu iyada ma cayimi karno.

“Natiijada kama dambaysta ahna runtii toos uma cayimi karno, laakiin sida qiyaasta komishanku qaadanayaa tahay, Toban casho iyo wixii ka yar inay qaadato ayaanu rejaynaynaa. Hase ahaatee, waxay ku xidhnaan doontaa umadda codeysay oo aynu ogaan doono ilaa Berri. Markaa Komishanku wuxuu diyaar u yahay in sida ugu dhakhsaha badan loo helo natiijooyinka oo aynu ugu dhawaaqno.” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo isaga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo caawa fiidkii si wada-jir ah warbaahinta ula hadlay.

Doorashada Isku-sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, ayaa ka qabsoontay guud ahaan 23 degmo-doorasho oo dalka, kuwaas oo ay ku yaallaan 2,709 goob-doorasho, iyadoo ay ka qayb-qaateen 798 murashax oo Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada u tartamay, waxaana murashaxiinta ku jira 28 Haween ah.

Somaliland elections 2021246 murashax ayaa u tartamaya 82-ka kursi ee uu ka kooban yahay Golaha Wakiillada Somaliland, halka ay Goleyaasha deegaanka u tartamayaan 552 murashax oo laga soo dhex-dooran doono 249 xildhibaan oo Goleyaasha deegaanka ah.

Doorashada Golaha Wakiillada ayaa noqonaysa tii labaad ee ka qabsoonta dalka tan iyo 2005-tii oo ahayd markii la doortay mudaneyaasha xilligan ku sii fadhiya kuraasida Golaha Wakiillada.

Halka Doorashada Goleyaasha Deegaanku noqonaysa tii saddexaad ee dalka ka qabsoonta tan iyo 2001-dii oo ahayd markii ugu horeysay ee Somaliland laga qabto doorasho shacabku codkooda wax ku doortaan, waxaana ugu dambaysay sannadkii 2012-kii oo la doortay Goleyaasha deegaanka ee wakhtigoodu dhammaaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net