Shixnaddii u horeysay ee Tallaalka Covid-19 oo la gaadhsiiyey Ethiopia iyo Djibouti

 

Djibouti (SLpost)- Dalalka Ethiopia iyo Djibouti oo xuduud dheer ay wadaagaan Somaliland, ayaa soo la gaadhsiiyey qaybtii u horreysay ee tallaalka lagaga hortago caabuqa Coronavirus, sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka ee labada waddan.

Shixnaddii u horeysay ee tallaalka Cudurka Covid-19, ayaa Sabtidii shalay la gaadhsiiyey dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo noqonaya dalkii labaad ee ka tirsan waddamada Jaamacadda Carabta ee tallaalka la gaadhsiiyo, waxaana ka horeeyey dalka Suudaan oo todobaadkii hore loo geeyey.

Wejiga kowaad ee tallaalka Covid-19, ayaa loogu talo-galay inay qaataan hawl-wadeennada Caafimaadka, dadka da’doodu ka weyn tahay 50 sanno iyo dadka xannuunnada kale hayaan ee ku nool dalka Jabuuti oo tirada dadka xannuunka Covid-19 laga helay gaadhayso 6,102 qof isla markaana ay u dhinteen 63 qof.

Tallaallka Covid-19 waxa dalka Jabuuti ka caawiyey hay’adda UNICEF oo kaashanaysa COVAX oo ah isbahaysi ay hoggaaminayso hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo ku hawlan sidii ay tallaalka xannuunkan u gaadhsiin lahaayeen caalamka, gaar ahaan dalalka dunida saddexaad.

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye, ayaa dhinacyada iska kaashaday tallaalka ku bogaadiyey fursadda ay u siiyeen dalka iyo dadka Jabuuti inay helaan tallaalka Covid-19.

“Tallaalku waa qayb muhiim u ah xakamaynta faafidda fayraska, si ay xaaladdu ugu soo noqoto sidii caadiga ahayd,” sidaas waxa yidhi Wasiirka Caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame, waxaanu ku boorriyey dadka loogu tala-galay wejiga kowaad inay isu diiwaangeliyaan qaadashada tallaalka.

Shixnadda tallaalka Covid-19 ee wejiga labaad ayaa loo qorsheeyey inay soo gaadhaan dalka Jabuuti saddexda bilood ee soo socda,
Dhinaca kale, dalka Ethiopia waxa Axadda maanta soo gaadhay in ka badan 2 Milyan oo ah tallaalka lagaga hortago caabuqa Coronavirus, waxaana la filayaa in qaybintiisa maalmaha soo socda laga bilaabo dalkaas.

Dawada Tallaalka oo lagu magacaabo AstraZeneca waxa soo saaray Machadka caafimaadka ee Serum oo laga leeyahay dalka Hindiya, waxaanay qayb ka tahay gargaar caafimaad la magac-baxay COVAX oo ay hoggaaminayso hay’adda WHO, kaas oo loogu talo-galay in tallaalka Covid-19 lagu gaadhsiiyo dalalka dunida saddexaad.

“Sugitaan dheer oo hubaal la’aan ah kaddib, rejadii la qabay waxay noqotay mid dhab ah,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Caafimaadka dowladda Federaalka ee Ethiopia, Lia Tadesse oo ka hadlaysay munaasibad lagu qabtay madaarka diyaaradaha ee Addis Ababa oo shixnadda dawada tallaalka Covid-19 laga soo dejiyey.

Wasiirka Caafimaadka Ethiopia waxa ay bogaadisay isbahaysiga COVAX oo ay sheegtay inay ka soo jawaabeen baahidii la tabayey. “Markaanu dad badan tallaalno, si dhakhso leh ayaanu uga adkaanaynaa xanuunkan safmarka ah.” Sidaas ayay tidhi wasiirka Caafimaadka Ethiopia.

Ololaha tallaalka Covid-19 ayaa diiradda lagu saari doonaa isla markaana loogu horeysiin doonaa Shaqaalaha Caafimaadka iyo Dadka da’da ah oo noqon doona kuwa ugu horreeya ee la siinayo tallaalka, sida uu sheegay Muluken Yohannes oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Ethiopia oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP oo aanu warkan ka soo xigannay.

Dhinaca kale, tallaalka Covid-19 ayaan ilaa hadda soo gaadhin Somaliland oo ka mid ah waddamada la qorsheeyey in daawada tallaalkan la keeno, balse wasiirka horumarinta caafimaadka ee Somaliland ayaa maanta shaaciyey in qaybtii u horeysay ee tallaalka loogu talo-galay Somaliland soo gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, maalmaha soo socdana la filayo inay dalka soo gaadho.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net