Somaliland: Tallaalka Covid-19 oo Dalka ku soo fool leh iyo Dadka ugu horreeya ee Wejiga kowaad la siinayo

Wasiirka Caafimaadka Somaliland
Wasiirka Caafimaadka Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Tallaalka xannuunka Covid-19 oo loo qoondeeyey Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la filayaa inuu dhawaan soo gaadho dalka, iyadoo qaybtii u horeysay ee tallaalkaasi soo gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi, ayaa sheegay in tallaalka Covid-19 ee loogu talo galay Somaliland ay qaybtiisi hore soo gaadhay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, dhawaanna uu dalka iman doono.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland
Wasiirka Caafimaadka Somaliland

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka ayaa hadalkan ka sheegay shir-hawleed uu kaga qayb-galay magaalada Boorama, kaas oo lagu dar-dargelinayey hawlaha Caafimaadka ee gobolka Awdal.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in marka tallaalkaasi soo gaadho Somaliland lagu bilaabi doono shaqaalaha caafimaadka, ciidamada Booliska iyo laanta socdaalka, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin hawl-wadeennada qaranka ee safka hore kaga jira la-dagaalanka xanuunka Covid-19.

Wasiir Cumar Cali Cabdilaahi waxa kale oo uu sheegay in tallaalka qaybtiisa labaad ay qaadan doonaan ama la talaali doono dadka da’doodu ka weyn tahay 60 sanno ama kuwooda xannuuno kale la daalaa dhacaya.

Dhinaca kale, waxa kulankaas ka hadlay masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee caafimaadka, kuwaas oo ka warbixiyey xaaladda adeegyada caafimaad ee ay bulshada u hayaan.

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Degmada Boorama Dr Aadan Ibraahin Liibaan oo halkaas ka hadlay, waxa uu  ayaa ka waramay arrimaha caafimaadka ee cisbitaalka, wuxuuna xusay in lagu kordhiyay cisbitaalkaasi laba iyo toban qol waadhadhka cisbitaalka, lana diyaariyay goobtii la dhigi lahaa mashiinka kelyaha sifeeya.

Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gobolka Awdal Dr Mustafe Muumin Muuse oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in maamulka caafimaadka ee gobolku ay ku hawlan yihiin olole wecyi gelineed oo ku saabsan xakamaynta xanuunka Covid-19 oo ay ka wadaan degmooyinka kala duwan ee ku teedsan xuduudaha badda iyo berriga ee gobolka Awdal.

Mas’uuliyiinta gobolka Awdal ee hay’adaha WHO iyo HPA ayaa iyaguna sheegay in wasaaradda caafimaadka iyo hawl wadeennada gobolka Awdal ay gacan ka siiyaan sidii loo xakamayn lahaa xanuunkaasi, iyaga oo sheegay in agab kala duwan oo xanuunkaas lagu xakamaynayo ay gaadhsiiyeen deegaanno ka tirsan gobolka Awdal.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net