Shirkadda DP World oo $1 Bilyan ku Maalgelinaysa Marin-Ganacsi Ethiopia ku Xidhaya Dekedda Berbera

Addis Ababa (SLpost)- Shirkadda DP World iyo Dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkii hore kala saxeexday mashruuc ay ku baxayso 1 Bilyan oo Dollar, taas oo lagu maalgelinayo dhismaha Mashruuca Berbera Corridor ee dhinaca dalka Ethiopia.

Dowladda Ethiopia ayaa qayb saamiga maalgeshiga dekedda Berbera oo ay ku leedahay boqolkiiba 19, waxaanu dhismaha jidkani u fududaynayaa isticmaalka Dekedda Berbera oo shirkadda DP World maalgelin ballaadhan ku samaysay, iyadoo la filayo in dhawaan la daah-furo dhammaystirka wejiga 1aad ee dhismaheeda.

Jidka Berbera Corridor oo dhererkiisu dhan yahay 250km oo isku xidhaya dekedda Berbera iyo magaalada Wajaale ee xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxa dhismihiisa la bilaabay badhtamaha sannadkii 2019-kii.

Heshiiska is-faham ee dhexmaray labada dhinac waxaa Khamiistii toddobaadkii hore oo ku beegnayd 6-kii May 2021 magaalada Addis Ababa kuwada saxeexay Wasiirka Gaadiidka Ethiopia Dagmawit Moges iyo Guddoomiyaha shirkadda DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayman.

Heshiiska dhexmaray dowladda Ethiopia iyo Shirkadda DP World, ayaa la qorsheeyey in shirkadda oo kaashanaysa maalgeshadayaal kale ay 10 sanno ee soo socda ku maalgelisho mashaariic kala duwan oo gudaha Ethiopia laga hirgelinayo, kuwaas oo lagu tayayeynayo dhismaha Jidka Berbera Corridor, waxaana mashaariicdan ka mid ah kaabayaal dhaqaale oo ku dhereran Jidka, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha dekedo qalalan, bakhaarro, Goobo lagu keydiyo koonteynarrada, Qaboojiyeyaal iyo kuwo kale, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay shirkadda DP World.

“Waxaanu si adag u aaminsannahay in horumarinta Jidka Berbera oo laga dhigo mid ka mid ah marinada waaweyn ee ganacsiga ay faa’iidooyin dhaqaale u yeelan doonto Ethiopia, isla markaana ay taageeri doonto himilooyinkeeda horumarineed. Waxay abuuri doontaa shaqooyin cusub, waxay soo jiidan doontaa ganacsiyo cusub iyo maalgashi. Sidoo kale waxay xoojin doontaa in dalku ku xidhmo marinnada ganacsi ee caalamiga,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Shirkadda DP World.

Wasiirka Gaadiidka Ethiopia Mrs Dagmawit ayaa ka dhawaajisay Dareen kaas la mid ah, waxaanay sheegtay in hirgelinta kaabayaasha Ganacsigu ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan koboca dhaqaanka ee dalkeeda isla markaana ay u horseedi doonaan tusaale u noqdo horumarka qaaradda Afrika.

Shirkadda DP World, ayaa ballaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera ku maalgelishay adduun lacageed oo gaadhaya $440milyansi kor loogu qaado awoodda Dekedda Berbera oo la gaadhsiiyo inay sannadkii ka soo degi karaan 2 milyan oo konteenar, waxaana xilligan gebo-gabo ku dhaw wejiga kowaad ee dhismaha dekedda.

Jidka Berbera Corridor ayaa la filayaa in la dhammaystiro dhammaadka sannadkan, waxaana si wada-jir ah u maalgelinaya Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi iyo Waaxda Horumarinta Caalamiga ee Boqortooyada Ingiriiska.

Kulanka madaxweynaha Somaliland iyo shirkadda DP World.jpg

Guddoomiyaha DP World Sultan Ahmed Bin Sulayman.waxa uu Jimcihii oo ku beegnayd 7-dii bishan May socdaal ku yimi Somaliland, waxaanu kulan lagaga wada-hadlay geeddi-socodka dhismaha iyo ballaadhinta Dekedda Berbera la yeeshay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada.

Somalilandpost.net

contact@somaliladpostnet