Saddexda Xisbi Qaran oo Komishanka u gudbiyey Liisaska Murashaxiinta Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Maroodijeex

 

Hargeysa (SLpost)- Saddexda Xisbiga Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADANI ayaa maanta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ku wareejiyey liisaska Murashaxiinta u taagan doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Maroodijeex.

Liisaska Murashaxiinta gobolka Maroodijeex ee saddexda Xisbi maanta gudbiyeen ayaa kala ah murashaxiinta u taagan Goleyaasha Deegaanka ee degmooyinka Hargeysa, Gabiley, Sallaxley iyo Balligubadle.

Advertisement

Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay komishanka u gudbiyeen liisaska murashaxiinta.

Af-hayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Buuni iyo xoghayaha guud ee xisbigaas Ibraahin Raabi, waxa ay sheegeen inay komishanka doorashooyinka qaranka ku wareejiyeen dhammaan liiska murashixiinta xisbiga uga sharraxan doorashooyinka goleyaasha degaanka ee gobolka Maroodijeex.

Xoghaye ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax, ayaa isna sheegay in xisbigaas komishanka doorashooyinka qaranku ay si rasmi ah uga gudoomeen liiska murashixiinta xisbigaasi uga sharraxan degmooyinka Gobolka Maroodijeex.

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa sheegay in ay guddida doorashooyinka ay ku wareejiyeen murashixiinta xisbigaasi ugu talo galay in ay u tartamaan doorashooyinka deegaanka.

Maanta oo Arbaca ah taariikhduna tahay 17-ka March, ayay ku ekayd muddadii uu sharcigu jidaynayey ee Guddiga Doorashooyinku u qabteen saddexda Xisbi inay ku soo xereeyeen liisaska murashaxiinta Goleyaasha Deegaanka ee dalka.

Sharcigan ayaa jidaynaya in liisaska murashaxiinta ee loo gudbiyey Komishanka ay ku lifaaqan yihiin shuruudaha iyo dokumentiyada murashaxiinta looga baahan yahay oo ay ka mid tahay waraaq caddeynaysa in murashaxu bixiyey Lacagta Deebaajiga ee looga baahan yahay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On