Komishanka Doorashooyinka oo Cayimay Wakhtiga ugu dambeeya Gudbinta Liisaska Murashaxiinta Goleyaasha Deegaanka

 

Hargeysa (SLpost)- Komishanka doorashooyinka Qaranka, ayaa wakhti kama dambays ah u qabtay Saddexda Xisbi ee UCID, Waddani iyo Kulmiye in ay ku soo gudbiyaan liisaska Murrashaxiinta uga qayb-galay tartanka doorashada goleyaasha Deegaanka ee Somaliland oo loo muddeeyey inay dalka ka qabsoonto 31 May 2021-ka.

Warqad uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdirashiid Maxamuud Cali oo lagu socodsiiyey Saddexda Xisbi Qaran oo maanta la soo saaray, ayaa lagu war-geliyey inay ugu dambeyn Liiska murashaxiinta u gudbiyaan Guddiga Doorashooyinka 17-ka bishan March 2021 oo wakhtigu kaga egyahay.

Waxa kale oo xisbiyada lagu wargeliyey inay liisaska murashaxiinta ku soo lifaaqaan shuruudaha loo baahan yahay murashaxiinta oo ay ka mid tahay inay wasaaradda maaliyadda u shubeen kharashka deebaajiga ee looga baahan yahay.

Xeerka doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Somaliland, ayaa tilmaamaya in Xisbiyadu 75 maalmood ka hor xilliga doorashada ay Komishanka u gudbiyaan Liisaska murrashaxiinta ka qayb-qaadanaysa tartanka Doorashada si loo hubiyo inay buuxiyeen shuruudaha xeerka Doorashadu dhigayo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net